4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Dagaalkii ka socday Kismaayo oo Istaagay iyo Waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu istaagay dagaal xooggan oo saaka gudaha degmadaasi ku dhexmaray ciidamo beeleedyo ka tirsan dowaldda Soomaaliya iyo ururka raaskaambooni.

Wararkii ugu danbeeyay ee degmadaasi naga soo gaaraya ayaa sheegay in cutubyo katirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku guuleeysteen in ay kala dhexgalaan dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Mid kamid dadka ku dhaqan Kismaayo oo HOL u waramay isagoo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina labada dhinac ay isu adeegsanayeen hub fudud iyo madaafiic.

Dagaalka ayaa la sheegay in xooggiisa uu ka dhacay xaafadaha calanleey, Farjanno iyo xaafadda Fanoole, waxaana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaare xooggan oo kala gaaray labada dhinac wallow aan la heyn xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka.

Goobjoogaha  ayaa sidoo kale sheegay inta uu ogyahay in dagaalku ay ku dhinteen ku dhawaad todobo qof oo ay ku jiraan laba sarkaal  oo ka tirsanaa maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo, iyadoona la sheegayo in dhaawacu intaasi ka badanyahay.

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka, haseyeeshee wararka ayaa sheegaya in lagu guuleeystay in lakala qaado labada ciidan, islamarkaasina ay imika soconayaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyadii ay dirirtu u dhexeysay, kuwaasoo ay wadaan waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconeeysay qabanqaabada shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka, kaasoo la filayay in uu maanta furmo balse uu dib-u-dhac ku yimid kadib markii ay shirka kasoo qeybgali waayeen wafdi laga sugayay dhanka dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya