4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Kulan diimeed looga Hadlayay Dhibaatooyinka loo Geystay Diinta Islaamka oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljameeca loogana hadlayay dhibaatooyinka Al-Shabaab u geysteen diinta Islaamka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo gaba-gabadii kulankan laga soo saaray bayaan.

Kulankan oo soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa ugu horreyn lagu falaqeeyay fikiradaha qaldan ee diinta Islaamka lagu dabaqayo, waxaana ka hadlay Sheekh C/qaadir Soomow.

Wdaadkan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dadka iyo diintaba u geysteen dhibaatooyin kala duwan, isagoo xusay in dadka gaaleysiiyay, masaajidana lagu dilay culummada, waxaana uu xusay in ummadda ay ku noqotay fikirka takfiiriga ah cudur kansar ah oo ku faafay.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la dagaalanka fikirkaas uu qaadan karo in ka badan 25-sano ka badan si looga suuliyo, isagoo xusay in fikirkan uu yahay mid Soomaaliya dibadda looga keenay balse uusan ka dhex-dhalan, wuxuu soo jeediyay in caalamka oo dhan iska kaashado la dagaalankiisa.

Culimmada khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in ugu horreyn daraasad lagu sameeyo dhibaatada loo geystay magaca diinta, taasoo ah bay yiraahdeen dhibaato aan cidna ka qarsooneyn oo gaartay gudaha iyo dibadda dalka.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo ka mid ah culimmadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in shacabka sharafkoodii lagu xad-gudbay, lana gaarsiiyay heer qof is qarxiyo, waxaana uu tibaaxay in Al-Shabaab aanay ummadda maslaxad u ahayn, waxaa kaliya ee ay maslaxad u tahay uu yahay geed Yahuudka iyo Tiinka.

Waxaa uu dhankiisa tibaaxay in culimada ay jawaab diini ah oo rasmi ah ka soo saaraan dhibaatooyinka diinta Islaamka lagu hayo.

Dood iyo falanqeyn dheer kaddib culimmada Ahlusunna Waljameeca waxay isla garteen qodobbadan soo socda:

  1. In Shabaabka ay diinta Islaamka ku hayaan dhibaato weyn, isla markaana ay baneysteen, gaaleysiinta, dilka, iyo qaxinta dadka aan ra'yigooda takfiiriga aqoon.
  2. In Shabaabku ay duulaan ku yihiin qof walba oo bulshada ka tirsan, ayna baneysteen maalka dadka, iyagoo shacabka ka qaada illaa iyo afar xilli oo ay Zakawaadka ku sheegeen.
  3. Culimada Ahlusunna waxay bayaankooda ku caddeeyeen inay kasoo horjeedaan, nikaaxa aan sharciga waafaqsaneyn ee ay sameynayaan Shabaabka, dhallinyarada ay daroogeynayaan iyo dagaallada aan dhamaadka laheyn oo ay ku jiraan.
  4. Culimmada waxay ku tilmaameen fikirka Al-shabaab inuu yahay mid Kansar ah oo ay sheegeen in loo baahan yahay in la gooyo.

Baaq:

Culimmadu waxay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ugu baaqeen in la iska kaashado ka hortagga fikirka takfiiriga ah ee Al-Shabaab, sidoo kale waxay culimmada ugu yeereen Haweenka ay qaldeen inay kasoo haraan, kuwa ay horay u dhibaateeyeen in loo gurmado.

Ugu dambeyn culimmadu waxay ugu gacan haatiyeen dhallinyarada wali raacsan kooxdaas, si loo dhaqan celiyo ummaddana ay uga mid noqdaan.

Dhinaca kale culimada waxay tacsi u direen guud ahaan shcabka Soomaalida gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo dhanka kalena sheegay inay soo dhoweynayaan shirweynaha culimada Al-Ictisaam, ha yeeshee waxay soo jeediyeen in shirweynahaas uu noqdo mid laga wada qeyb-galo, iyadoo marka hore laga tashanayo goobta iyo waqtiga uu dhacayo.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya