4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Dagaal u dhexeeya ciidamo kawada tirsan maamulka Kismaayo oo ka socoda Degmadaas iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) — Iska-horimaad u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in saaka aroortii uu ka qarxay gudaha degmadaasi, iyadoona la sheegayo in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida aan ku heleyno warar xog ogaal ah dagaalka ayaa ka bilowday nin ciidamo ka tirsan kuwa dhaq-dhaaqa raaskaambooni ay xalay ku xireen saldhigga degmadaasi, waxaana saaka goobtaasi weerar ku qaaday ciidamo kasoo jeeda beesha uu ka dhashay ninka la xiray.

Goobjooge ku sugan tuulo ku dhow Kismaayo oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan beesha uu kasoo jeedo ninka la xiray ay saaka weerar ku qaadeen saldhigga Kismaayo, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda magaalada ay aad u kacsantahay.

Way adagtahay in la ogaado  faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan iska-horimaadkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay, maadaama ay hawada ka maqantahay isgaarsiintii degmadaasi.

Wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbin doonnaa faahfaahin ku saabsan iska-horimaadkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya