4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 23, 2013
Dib u dhac ku yimid shirkii maamul u sameynta Jubooyinka ee la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Kismaayo

Sabti, Feberaayo 23, 2013 (HOL) —Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa ku dhawaaaqay in uu maanta baaqday shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee loo ballansanaa in uu maanta si rasmi ah uga furmo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Gudoomiyaha gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka Macalim Max’ed Ibraahim oo shalay gelinkii danbe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday shirkii la filayay in uu furmo maanta, isagoona baaqashada shirka sabab uga dhigay wafdi ka socda dowladda oo la filayay in uu shirka furo oo aan weli iman.

“Sidaad ula socotaan oo aan hore u iclaaminnay 23-da ayaan go’aansannay in shirka la furo oo maalinta beri ah, anagoo tixgelineyna isku-xirnaashaha dalka, masuuliyadda dowladda iyo kala danbeynta iyo isxurmeynta ayaa waxaan warqad rasmi ah u dirnay madaxweynaha dalka iyo ra’isul wasaaraha, jawaabna maan helin laakiin jawaab baan sugeynaa  in ay shirka furan oo ay iyagu halkaasi ka hogaamiyaan maamul u sameynta gobollada jubooyinka,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisiii raaciyay.

Masuulkani ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imika ka jirto dowlad rasmi ah islamarkaasina loo baahanyahay in dowladda ay furto ayna maamusho shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray in madaxda dowladda ay ka rajeynayaan in ay sida ugu dhaqsaha badan ay uga soo jawaabi doonaan codsiga ay u direen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhamaan ergadii ka qeybgali lahayd shirka in ay xaadir ku tahay magaalada islamarkaasina aysan jirin caqabad kale oo baajisay shirkii la filayay in uu manata furmo.

Masuulkani ayaan si rasmi ah u shaacin  waqtiga rasmiga ah ee uu dib u furmi doono shirka, haseyeeshee wuxuu xusay in ay ka warsugi doonaan codsiga ay u direen dowladda Soomaaliya.

Shirka maamul usameynta gobollada Jubooyinka ayay mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaayeen khilaafaadyo xooggan, iyadoona qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka dowladda ee gobolka Gedo ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan shirka maamul u sameynta gobolladaasi,ee ka soconaya magaalada Kismaayo, waxayna sheegeen in shirkani uu yahay mid lagu deg-degayo, iyagoona ku baaqay qodobo ay kamid yihiin in shirka dib loo dhigo inta gacanta looga dhigayo guud ahaan gobollada uu maro webiga jubba ee la isku yiraahdo Jubooyinka oo qeybo badan oo kamid ah ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

 

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya