4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 22, 2013
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Berri ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

Turkish Ministers to visit Somalia and Sudan
Jimco, Feberaayo 22, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Barker Buzdag oo uu ka mid yahay wasiirka horumarinta dalkaas, Cevdet Yilmaz ayaa berri safar ku imaanaya magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Inta wafdigan ay ku suga yihiin magaalada Muqdisho ayaa waxay la kumi doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kalena waxay ka qaybqaadan doonaan xaflado lagu furayo masaajid, iskool iyo xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo ay dowladda Turkiga ka hirgelisay Muqdisho.

Waa markii labaad oo ra’iislu waasare ku xigeenka dalka Turkiga uu booqasho ku yimaado Muqdisho tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud  loo doortay madaxweynaha Soomaaliya muddo lix bilood laga joogo.

Jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu xardhay sawirro ay ka muuqdaan calamada Soomaaliya iyo Turkiga iyo qoraallo wafdigan lagu soo dhaweynayo kuwaasoo ku qoran afka Turkiga.

Maalinta labaad ee safarkooda ayay wafigan u duuli doonaan dalka Suudaan, iyagoo magaalada caasimadda ah ee Khartuum ku booqan doona Sheybaar ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaaladaas iyo furitaanka xarun lagu barto shaqooyinka laguna bixiyo tababarrada farsamada gacanta.

Dowadda Turkiga ayaa ahayd dowladdii ugu horreysay oo mas’uuliyiintooda sare ay yimaadaan Muqdisho xilli ay dunida oo dhan ka cabasanaysay, iyadoo xilligaas ay jirtay abaar-daran oo dhibaateysay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo hay’adaha Turkiga ay ka billaabeen Muqdihso inay caawiyaan dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Turkiga ayaa waxay sidoo kale ahayd dowladdii ugu horreysay ee Reer Yurub ah oo safaarad ka furata Muqdisho, sidoo kalena diyaaraddooda ay ka billowday Muqdisho duulimaadyo caalami ah labaatan sano oo colaado ay jireen kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya