3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in ay ka saarto sharciga Saxaafadda qodobada Caburinaya Xoriyadda Saxaafadda

Arbaco, February 20, 2013-Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa maanta soo saaray war rasmi ah oo ku aaddan dib-u-eegis lagu sameynayo sharciga saxaafadda Soomaaliya.

 

IFJ waxaa ay ugu baaqday dowladda cusub ee Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo deg deg ah oo wax ku ool ah oo lagu badalayo qodobbada la diidan yahay ee ku jira sharcigan oo la meel-mariyay bishii December ee sanadkii 2007dii.

 

“Sharcigan waxaa uu ka mid ahaa shuruucda dalka muddo shan sano ah iyadoo uu xadgudub ku yahay xeerarka caalamka, waxaana badanaa isticmaalayay saraakiisha maamullada Soomaalida si ay u caburiyaan suxufiyiinta iyo warbaahinta mar alla markii ay doonaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Adduunka Jim Boumelha.

 

Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa hotelka Saxafi ee magaalada Muqdosho ku qabtay kulan wadatashi ah Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Kulankan ayaa ujeedkiisu uu ahaa sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa sharcigan.

 

“Maanta suxufiyiinta Soomaaliyeed badanaa waxaa ay yihiin dhibanayaasha fowdada dhimashada leh iyo sharcigan oo ay adeegsadaan hay’adaha dowladda, kuwaasoo handadaya, isla markaana culeys saaraya suxufiyiinta” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

 

IFJ waxaa ay soo dhaweysay wadatashiyada uu wado ururka NUSOJ, waxaana ay ballanqaaday in ay taageereyso dib u eegista lagu sameynayo sharcigan kasoo ah in uu meesha ka saaro u adeegsiga suxufiyiinta xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

 

Ka qaybgalayaasha kulankii wadatashiga ahaa ee Isniintii ka dhacay muqdisho ayaa waxaa si xoog leh ugu soo horjeestay sharciga qabyada ah ee isgaarsiinta, kaasoo la doonayo in lagu nidaamiyo saxaafadda iyo shirkadaha isgaarsiinta.

 

IFJ waxay ku baaqday in la xurmeeyo rabitaanka dhabta ah ee bahda saxaafadda, kaasoo ay kaga soo horjeedaan u sameynta hal sharci oo saxaafadda iyo isgaarsiinta khuseeya.

Warka oo English ah- IFJ



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
2/20/2013 12:24 PM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socda diyaargarow xooggan oo loogu doorashooyinka golaha xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dalkaas, iyadoo markii ugu horreysay loo ogolaaday in tartankan ay uga qayb-galaan si furan xisbiyada mucaaradka ah muddo dheer kaddib.

2/20/2013 11:18 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Wasiirka beeraha Somaliland, Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan deeq-bixiyayaal caalami ah oo ka socday Midawga Yurub iyo hay’adda FAO ayaa booqday halka ay marayso hawsha jidka la dhisayo oo isku xira degmada Boorama iyo deegaanka Xeego ee gobolka Awdal.

2/20/2013 8:26 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dib ugu soo laabatay maanta Muqdisho ayaa ka warbixisay shirkii uu golaha ammaanka ee Soomaaliya ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

2/20/2013 7:53 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo billado lagu guddoonsiinayo boqol qof oo labaatankii sanno ee u dambeeyey waxqabad la taaban karo ka sameeyey dhinacyadda bulshadda, ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hoteel Maansoor.

2/20/2013 6:13 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Iyadoo maxkamadda rafcaanta ee gobolka Banaadir ay dib uga furantay dacwaddii wariye C/casiis Koronto iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda oo maxkamadda gobolka ay horay ugu xukuntay min hal sano oo xabsi ah, iyadoo dacwadda dib loo dhigay illaa toddobaadka soo socda.

2/20/2013 3:21 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Janaale ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

2/20/2013 3:11 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Iimaamyada masaajidda Waqooyiga Amerika ee Soomaaliyeed oo ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayey si weyn ugu cambaareeyeen dilkii dhawaan magaaladda Garoowe loogu geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax [Gacamey], oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaalida.