4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Dacwaddii Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeney la kufsaday oo dib loo dhigay Illaa Toddobaadka soo socda

Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Iyadoo maxkamadda rafcaanta ee gobolka Banaadir ay dib uga furantay dacwaddii wariye C/casiis Koronto iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda oo maxkamadda gobolka ay horay ugu xukuntay min hal sano oo xabsi ah, iyadoo dacwadda dib loo dhigay illaa toddobaadka soo socda.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in dacwadda dib loo furay lana keeni karo wax walba oo caddeymo ah oo lagu bari yeelanayo labadan qof, iyadoo isla maanta ay garyaqaannada difaacaya labadan ruu u gudbiyeen qoraallo ay k caddeynayaan in xukunkan labadan qof uu yahay mid aan si cadaalad ah u dhicin.

“Waxaan rajeynaynaa in labadan qof ay helaan xukun cadaalad ah, waxaana rajeynaynaa in xabsiga laga sii dayn doono,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Faarax oo ah garsooraha difaacaya wariye C/casiis Koronto oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, abuukaatayaasha waxay ku doodayaan in wariye Koronto uusan sii dayn wax warbixin ah oo ku saabsan haweeneyda sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa wariyeyaal fara badan oo isku dayayay inay muujiyaan in xukunka wariyaha iyo haweeneyda uu wareystay ay yihiin kuwo aan cadaalad ku dhisnayn.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo jeediyay in la tixgeliyo qoraallada ay maxkamadda u gudbiyeen garyaqaannada u doodaya wariye C/casiis Koronto, wuxuuna ururku sheegay in dacwadda ay xeer ilaaliyeyaashu wadaan ay tahay mid xaqiiqada ka fog.

Dib u furidda dacwaddan ayaa waxay imaanaysaa xilli hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay ay codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo dacwaddan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in hay’adaha garsoorku ay yihiin kuwo madax-bannaan oo aysan faragelinayn, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen inay tixgelinayaan hadba go’aanka ay maxkamaduhu gaaraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya