4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Iskahorimaad khasaare nafeed geystay oo Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmarya Deegaanka Janaale

Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Janaale ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerareen ciidammada isbahaysanaya ee toddobaadkan la wareegay deegaannadaas, waxaana dagaalkan uu socday muddo saacad ka badan.

“Xalay dagaalka culus ayaa dhacay, waxaan aragnay dhimashada laba ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, xaaladuna waa deggen tahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Janaale oo magaciisa kusoo koobay C/raxmaan.

Goobjoogahan ayaa sheegay in dagaalka kaddib ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM billaabeen howgallo ay ku raadinayaan kooxihii weerarka ku soo qaaday, iyagoo qabqabtay dad badan oo deegaanka ah.

Janaale ayaa wuxuu ka mid yahay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin Owdheegle iyo Bariirre, iyadoo Al-shabaab ay ku gooddisay inay weerarro gaadmo ah ku qaaday deegannadaas.

Saraakiil u kala hadlay dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Janaale, iyagoo dhinac walba uu sheegtay inuu dagaalkaas guulo ka gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya