3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2013
Golaha Imaamyada Waqooyiga Amerika oo Cambaareeyay Dilkii dhawaan loo geystay Sheekh C/qaadir Gacamey (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Iimaamyada masaajidda Waqooyiga Amerika ee Soomaaliyeed oo ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayey si weyn ugu cambaareeyeen dilkii dhawaan magaaladda Garoowe loogu geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax [Gacamey], oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaalida.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, oo ah gudoomiyaha Golaha Iimaamyada Waqooyiga Amerika, isla markaana isugu imaam ka ah masjidka Abuu-bakar Sadiiq ee magaaladda Minneapolis, oo kulankooda kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, isagoo falkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid aan xiriir iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka.

“Waxaan si wadajir ah u cambaareynaa dilkaasi loo geystay Sheekha, oo ay u geysteen dadka ka gardaran iyo gacan daalimadda ah,” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan.

Sheekha, ayaa ugu baaqay ummadaha muslimiinta ah in ay iska fogeeyaan guud ahaan falalka lagu bartilmaameedsanayo culumada diinta iyo dadka indheer-garadka ah ee bulshada ku leh saameynta muuqata, islamarkaana la doonayo in lagu dabar-gooyo.

“Waxaan halkaan ka qiraynaa in Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), uu ahaa aabeheeni diinta iyo dacwada, dhimashadiisa kaddibna ay noo noqon doonto daliil iyo ku dayasho,” ayuu yiri Sheekh Cabdirisaaq Xaashi, oo isaguna ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota, isagoo sidoo kalana sheegay in dadkii falkaasi geystay ama wax ka maleegayba ay ka habaari-doonaan xiliyada cibaadada iyo goobaha diinta.

Ugu dambeyn culumada ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, iyagoo dhinaca kalana ka codsaday Soomaalida iyo dadka kale ee Muslimiinta ahba in meel qura looga soo wada-jeesto kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh dilalka mashaa’iiqda diinta.

15-kii bishaan Feebaraayo oo ahayd jimcadii la soo dhaafay, ayaa nin hubaysani waxaa uu masjid ku yaala magaaladda Garoowe ku dilay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), oo ka mid ahaa culumada sida weyn diinta loogu qadariyo dalka Soomaaliya, iyadoona aysan jirin cid wali sheegatay in ay ka dambeysay dilkiisa, walow si weyn farta loogu fiiqay Al-shabab, inkastoo ay kooxdu iyadu falkaasi dhinac isaga riixday.

Marar badan ayaa gudaha Soomaaliya horray dilal loogu geystay dad badan oo isugu jiray culumo diimeed iyo waxgarad, hase ahaatee dilkaan ugu dambeeyey ee loo geystay Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayey Soomaalidu si weyn uga naxday, iyadoona si wadajir ah meelo badan looga cambaareeyey.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota













Click here
2/20/2013 2:34 PM EST
Arbaco, February 20, 2013-Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa maanta soo saaray war rasmi ah oo ku aaddan dib-u-eegis lagu sameynayo sharciga saxaafadda Soomaaliya.

2/20/2013 12:24 PM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socda diyaargarow xooggan oo loogu doorashooyinka golaha xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dalkaas, iyadoo markii ugu horreysay loo ogolaaday in tartankan ay uga qayb-galaan si furan xisbiyada mucaaradka ah muddo dheer kaddib.

2/20/2013 11:18 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Wasiirka beeraha Somaliland, Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyaan deeq-bixiyayaal caalami ah oo ka socday Midawga Yurub iyo hay’adda FAO ayaa booqday halka ay marayso hawsha jidka la dhisayo oo isku xira degmada Boorama iyo deegaanka Xeego ee gobolka Awdal.

2/20/2013 8:26 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dib ugu soo laabatay maanta Muqdisho ayaa ka warbixisay shirkii uu golaha ammaanka ee Soomaaliya ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

2/20/2013 7:53 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo billado lagu guddoonsiinayo boqol qof oo labaatankii sanno ee u dambeeyey waxqabad la taaban karo ka sameeyey dhinacyadda bulshadda, ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hoteel Maansoor.

2/20/2013 6:13 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Iyadoo maxkamadda rafcaanta ee gobolka Banaadir ay dib uga furantay dacwaddii wariye C/casiis Koronto iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda oo maxkamadda gobolka ay horay ugu xukuntay min hal sano oo xabsi ah, iyadoo dacwadda dib loo dhigay illaa toddobaadka soo socda.

2/20/2013 3:21 AM EST
Arbaco, Feberaayo 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Janaale ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.