4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo ku dhintay Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax maanta baqadii ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qaybta qudaarta.

Askartan la dilay ayaa waxay ilaalo ka ahaayeen qaybtaas, iyadoo lagu dilay bam kuwa gacmaha laga tuuro ah, iyadoo halkaas ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo muddo kooban xayiray ganacsigii ka socday qaybta qudaarta ee Suuqa Bakaaraha.

“Qaraxu wuxuu ahaa bam gacmeed waxaana lagu tuuray ciidammo meel fadhiyay, saddex ka mid ah ayaa dhintay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa qaybta qudaarta ee suuqa, isagoo intaas ku daray in kooxihii weerarka fuliyay ay goobta ka baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo si kooban uga hadlay qaraxaas ayaa sheegay in saddex askari ay naftooda ku waayeen, ayna wadaan baaris ay ku raadinayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, sidoo kalena weli kama aysan hadlin saraakiisha dowladda inay cid u qabteen iyo in kale, balse qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay socdaan howgallo lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa weyn Soomaaliya, iyadoo suuqaad uu ka kooban yahay qaybo kala duwan, wuxuuna ku baahsan yahay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya