4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Shil gaari oo sababay khasaare Nafeed oo kala duwan oo ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay sideed kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay gellinkii dambe ka dhacay deegaanka Cadaan-laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay ahaayeen rakaabkii gaarigaas saarnaa, waxaana gaariga oo noociisa uu ahaa kuwa xamuulka oo loo yaqaan TM uu ku rogamaday si lama filaan ah sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday shilkaas.

“Baabuurka wuxuu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku socday degmada deegaanka Ris oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, balse si lama filaan ah ayuu ku rogmaday,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka uu shilku ka dhacay.

Saakay ayaa dhaawacyadii ka dhashay shilka loosoo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, iyadoo xalay lagu guuleysan waayay in gurmad loo fidiyo dadka ku dhaawacmay shilkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maydadka saakay la aasayo, iyadoo shilkan uu ahaa kii ugu xumaa ee sannadkan ka dhaca gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo gobolkaan ay ka dhacaan shilal geysta khasaare nafeed oo fara badan.

Deegaanka uu shilku ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo aysan weli ka hadlin shilkan geystay khasaaraha nafeed ee faraha badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya