4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaan ka tirsan Golaha Koongreeska Mareykanka (SAWIRRO)

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qaatay muddo 45-daqiiqo ah wuxuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula yeeshay xildhibaanka, Keith Ellison oo ah mudanaha keliya ee muslimka ah ee ku jira golaha Koongreeska Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo intaas ku daray in mudanaha uu uga warrramay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad ay kasoo kabsaneyso dhibaatadii ku dhacday.

“Dowladda Maraykanka waxaan uga mahadcelinayaa taagerada ay dowladda Soomaaliya siisay. Xildhibaanku wuxuu ka mid ahaa xubnihii sida weyn iigu soo  dhaweeyay gobolka Minnesota oo ay deggen yihiin Soomaalida dalka Mareykanka deggen kuwood ugu badan marka laga rebo qaaradda Afrika,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu aad ugu farxsan yahay inuu kusoo dhaweeyo Muqdisho xildhibaankii ugu horreeyay oo ka socda dalka Mareykanka oo soo gaara Muqdisho. Isagoo xusay inay uga hadleen kulankooda sidii ay xildhibaannada Mareykanka gacan u siin karaan Soomaaliya, waana isku af-garanay.

“Xildhibaanka wuxuu ogaaday xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya. Waxaana rajeynayaa inuu fariintaas u gudbiyo shacabka Mareykanka iyo Soomaalida dalkaas ku nool,” ayuu  Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Madaxeynaha ayaa sidoo kale ka hadlay cadaaldda iyo muhiimadda ay u leedahay dowladda uu madaxweynaha ka yahay. Wuxuuna sheegay inay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan lixda tiir siyaasadeed ee dowladda, kaasoo lagu doonayo in nabadda Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta yimaado Muqdisho, isagoo xusay inay mar walba weydiin jireen Soomaalida ku nool Minnesota xilliga uu tegi doono Soomaaliya, balse uu ugu jawaabi jiray inuu maalin uun booqan doono, maalintaasna ay maanta noqotay.

Bishii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho muhiim ah ku tagay Maraykanka, waxaana kusoo dhaweeyay halkaas xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Maraykanka, kuwaasoo uu horkacayay xildhibaan Keith Ellison. Sidoo kale Ellison wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay gobolka Minessota oo laga soo doorto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya