4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2013
Cidamada maamulka Kismaayo oo howlgallo ay xlay sameeyeen ku soo qab-qabtay rag ay sheegeen in ay katirsanyihiin Al-shabaab

Talaado, Feberaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG ee Kismaayo ayaa howlgallo ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen qaar ka tirsan xaafadaha magaalada kusoo qab-qabtay rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada maamulka degmada Kismaayo Max’uud Khaalid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo ay kusoo qabteen ilaa sedex nin oo hubeysan.

Masuulkani ayaa sheegay in ragga ay soo qabteen ay ka tirsanyihiin Al-shabaab islamarkaasina ay qeyb ka ahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca magaalada, waxaana ragaasi la dhigay saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa shalay gelinkii danbe gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka KMG ee degmada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn cidda ka danbeeysay dilkiisa.

Dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafadda Faanoole gaar ahaan waaxda luga-baxsi, waxaana la sheegay in kooxihii dilka geeystay ay sidoo kale qaateen hubkii uu sitay askarigaasi.

Ciidamada maamulka degmada Kismaayo ayaa dilka kadib howlgallo ka sameeyay xaafadda Faanoole, waxayna kusoo qab-qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay falkaasi.

Dilka askarigani ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Kismaayo ay qof rayid ah ku dileen afaafka hore ee saldhigga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya