4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Siddeed qof oo u Geeriyooday Duumada (Mallaariyo) oo Toddobaadyo ka hor ka dillaacay Magaalada Boosaaso ee Puntland


Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan ay wasaaradda caafimaadka ee Puntland ku dhawaaqday in cudurka Duumadu uu ka dilaacay magaalada Boosaaso, ayaa waxaa soo badanaya tirada dadka uu cudurkaasi soo ridanayo.

Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso iyo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waxaa maalin walba soo gaara bukaano tira badan oo cudurka Duumada la ildaran.

Cudurkan oo ay dhakhaatiirta qaarkood sheegeen in uu leeyahay tilmaamo dheeri ah oo ka duwan kuwii horay Duumada loogu yiqiin, waxaa ilaa iyo hadda u geeriyoodey 8 qof oo isugu jira: rag, dumar iyo caruur.

Waxaa sidoo kale sida uu warbaahinta u sheegay Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe la ogaadey in tirada dadka cudurkaasi uu haleelay ay gaareyso boqolaal qof.

Kooxo caafimaad oo ay tiradoodu 12 tahay ayaa loo qaybiyey dhamaan xaafadaha magaalada; si ay tirakoob ugu sameeyaan dadka uu cudurku haleelay, islamarkaana ay guryaha iyo meelaha kale ay kaneecadu ku taronto u buufiyaan.

Tirakoobkii ugu danbeeyey waxaa lagu ogaadey in inta badan dadka cudurka u geeriyoodey iyo kuwa kale ee hadda la xanuunsani ay yihiin rag waaweyn, iyadoo ay caruurtu meesha ugu hooseysa tirada kaga jirto.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari ayaa mar la weydiiyey waxa keenay in tiro intaas le'eg oo dad ahi ay u geeriyoodaan cudurkan oo ah mid si sahlan loo daweyn karo, wuxuu sheegay in bukaanada Duumadu ku dhacdo goobaha caafimaadka la keeno xilli danbe.

"Qofka bukaanka ah muddo ayaa xaafadaha lagu hayaa, isaga oo aad u liita oo daawooyin badan oo kala duwan soo qaatey ayaa xarumaha caafimaadka lasoo gaarsiiyaa, taasna waxaa ka dhashay in daryeelkii caafimaad ee bukaanka loo fidin lahaa laga gaabiyo"

Waa markii ugu horeysey oo ay tiro intaas le'eg oo dad ihi ay todobaadyo gudahood cudurka Duumada ugu geeriyoodaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, arintan ayaana ah mid ay dadku aad u hadal hayaan cabsi weynna ku beertay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya