4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
AMISOM oo kulan wadatashi ah la yeelatay Waxgaradka deegaanno dhawaan laga saaray Xarakada Al-shabaab

Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay kulammo wadatashi ah la yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka deegaannadii dhawaan laga qabsaday Al-shabaab ee ay ka mid yihiin Janaale, Owdheegle iyo Bariirre oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in kulankan laga  gaaray ujeeddooyinkii lahaa, ayna ka qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda deegaannadaas iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolkaas.

“Kulankan waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga deegaannada laga saaray Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM oo uu ku saxiixnaa afhayeenkooda, Col. Cali Aadan Xumud.

Xafiiska siyaasadda ee  AMISOM ayaa la sheegay inuu kulankan soo agaasimay, iyadoo kalnka uu dhinaca AMISOM hoggaamiyayay taliyaha guutada koowaad, Brig. Michael Ondoga, waxaana kulanka intiisa badan looga dooday sidii iskaashi buuxa uu dhexmari lahaa dadka deegaanka iyo ciidamada AMISOM ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Waxaa kaloo kulanka looga hadlay sidii maamulka dowladda loogu baahin lahaa deegaannadaas.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay waxgarad ka socday degmooyinka Qoryooley, Sablaale, Baraawe, Marka iyo Kurtunwaarey, kuwaasoo fikrado ka dhiibtay sida ugu habboon ee looga qayb-qaadan karo sugidda amniga deegaannadii laga saaray Al-shabaab iyo in ciidamada isbahaysnaya lagu tageero guulaha ay gaareen.

Horraantii toddobaadkan ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay garabka ka helaan ee AMISOM waxay Al-shabaab kala wareegeen goobo hor leh ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Janaale, Owdheegle iyo Bariirre.

Xilligan ayaa waxaa inta badan deegaannada gobolka Shabeellada Hoose gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-kaashanaya, iyadoo Al-shabaabna ay kaga sugan gobolkaas dhowr degmo oo dhinaca koonfureed ee gobolka Shabeellada hoose ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya