4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo gaaray Magaalada Jigjiga (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia,  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

Wafdiga ayaa waxaa Addis Ababa kasii raacay madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar iyadoo ay soo dhaweeyay mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulkaas iyo waxgaradka degmada. Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay dadweyne kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Prof. Jawaari iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa qoorta ubaxyo u suray wiil iyo gabar yar oo lasoo diyaariyay, iyadoo markii ay soo dageen kaddib loo galbiyay guriga martida ee magaalada Jigjiga.

“Waxaan aad ugu farxay sida heerka sare ah ee la iigu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga. Waxaana taas mahaddeeda u celinayaan shacabka iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo warbaahinta kula hadlay guriga martida Jigjiga.

Intaas kaddib waxaa isna saxaafadda la hadlay madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay yimaadaan degmada Jigjiga wafdigii ugu horreeyay oo ka socda Somalia muddo dheer kaddib. Wuxuuna xusay inta ay wafdiga joogaan inay wadaagi doonaan fikrado kala duwan iyo iskaashi.

“Safarkan aan halkan (Jigjiga) ku nimid waa mid taariikhi ah, waxaanu ka faa’iideysan doonnaa horumarrada ka jira magaalada,” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdiga.

Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxay safar ku joogeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo safarkan ay ku tageen Jigjiga uu ka mid noqonayo booqashada ay Itoobiya ku joogaan iyadoo uu qaadan doono safarkan muddo laba maalmood ah.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya