3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Xaalado Abaareed oo daran iyo Nafaqo-darro laga soo sheegayo Deegaanno ku yaalla Koonfurta Gobolka Sool

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Xaalad abaareed oo baahsan ayaa laga soo sheegayaa degaanno badan oo ku yaalla gobolka Sool, gaar ahaan deegaannada howdka ee oomanaha ah.

Degaanka Karin-dabayl-weyn oo dhaca Koonfurta degmadda Laascaanood ayaa laga soo sheegayaa in xaaladda ugu darani ka taagan tahay, halkaas oo baadkii iyo biyihiiba ay gabaabsi noqdeen.

Maxamuud Warsame Cali oo ka mid wax-garadka deegaanka Karin-dabayl-weyn ayaa sheegay in dadkii reer guuraaga ahaa ay u hayaamay degaanno aad u fog-fog oo ay ka mid yihiin gobollada Nugaal, Mudug iyo Togdheer iyagoo duunyada ay haystaan baad iyo biyo la baadigoobaya.

“In dadkii deegaannadan deggenaa ay barakacaan waxaa sababay qiimihii raashinka oo aad sare ugu kacay iyo iibkii xoolaha oo istaagay, taasoo keentay inay istaagto noolsha dadkii deegaannadaan ku noolaa,” ayuu yiri Maxamed Warsame.

Sidoo kale, Maxamuud Warsame oo ku hadlayay afka waxgaradka dadka ku haray deegaannadaas ayaa ku baaqay in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro, isagoo sheegay in xaaladda dadkaas ay aad u adag tahay.

Ayaan Siciid oo ka mid ah kooxaha caafimaadka ee la dagaalama nafaqo-darrada haysata dadka tuulooyinkaas deggen ayaa waxay sheegtay inay abaarta haatan taagan ay tahay tii ugu adkayd ee ay deegaannadaas ku aragto, iyadoo halkii barmiil oo biyo ah ay deegaannadaas ka joogaan 150,000 oo shillin Soomaali ah.

Waxaa kaloo ay Ayaan sheegtay inay jiraan nafaqo-darro baahsan oo kusii fidaysa dadka jilicsan sida dumarka, carruurta iyo waayeelka, taasoo marba marka kasii dambeysa sii kordhaysa. Iyadoo sheegtay in toddobaadkii hore ay ku qiyaaseen 25% dadka nafaqo-darradu haysto, halka ay maanta ka yihiin 30% taasoo muujinaysay in tiradu ay si xowli leh kor ugu sii kacaysa.

Maaha deegaankan oo keliya dhulka ay abaartu saamaysay, waxaa kaloo la sheegay in deegaanno badan oo ay ka mid tahay degmada Taleex, iyadana qaybo ka mid ah laga soo sheegayo xaalad abaareed, halka degmada Xuddunna ay abaaro iyo colaad ciidammo isku-laalaya ay sii cusleeyeen.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
2/17/2013 1:32 PM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Golaha deegaanka qaybta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay maausho Galmudug ayaa u maanta kulan ay yeesheen ugu doortay, Bile Bashiir Caynab inuu noqdo duqa magaalada, Gaalkacyo.

2/17/2013 12:44 PM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Maamulka Tajamuca Islaamka ayaa bayaan ay kasoo saareen maanta xaruntooda Muqdisho waxay kaga tacsiyeynayaan falkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo ka mid ahaa culummada Soomaaliyeed.

2/17/2013 9:39 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidamada badda Soomaaliya ayaa maanta alu qabtay Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay ka qaybgaleen munaasabaddan.

2/17/2013 8:49 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

2/17/2013 8:10 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Taliska howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si adag u cambaareeyay qarax shalay ka dhacay baar Liido, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

2/17/2013 6:58 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Jaamacada Al-ictisaam oo AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax uu ka tirsanaa, ayaa bayaan ay shalay soo saareen islamarkaana nuqul kamid ahi uusoo gaarey shabakadda HOL, waxay ku sheegeen in dilka Sheekha ay ka danbeysey xarakada Al-shabaab.

2/17/2013 6:30 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) -Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa toogasho ku dilay Alaha u naxariisteen Marxuum Axmed Jimcaale (Maleele) oo ka mid ahaa macalimiinta sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

2/17/2013 6:24 AM EST
Axad, February 17, 2013 (HOL) - Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay ishortaagtay qorshihii ay dawlada Kenya ku doonaysay $10 milyan, kaasoo ay doonaysay Kenya inay u ansixiyaan golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

2/17/2013 2:07 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) - Qarax Miino oo aad u xooggan aya lagu soo waramayaa in xalay fiidkii uu ka dhacay gudaha magaalada Garissa, iyadoona la sheegay in qaraxu uu ku dhintay ruux doonayay in uu aaso.