4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Jaamacada Al-ictisaam oo Al-shabaab ku eedeysey dilka Sheekh Cabdiqaadir Nuur iyo Al-shabaab oo iska fogeeyey

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Jaamacada Al-ictisaam oo AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax uu ka tirsanaa, ayaa bayaan ay shalay soo saareen islamarkaana nuqul kamid ahi uusoo gaarey shabakadda HOL,  waxay ku sheegeen in dilka Sheekha ay ka danbeysey xarakada Al-shabaab.

Bayaanka oo dhinacyo badan taabanayey waxaa lagu sheegay in ninka dilka Sheekha loo hayo oo ah wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac (Bile), ay cadaatay in uu ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyey dilka Sheekha,  iyagoo tilmaamay in xarakada Al-shabaab aysan waxba ka ogeyn falkii AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) lagu khaarijiyey.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka tirsan madaxda sare ee Al-shabaab ayaa sheegay in dilka Sheekha aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana ay khalad tahay in iyaga lala xiriiriyo.

Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isna warbaahinta la hadlay ayaa mar wax laga weydiiyey cidda dilka Sheekha ka danbeysa, wuxuu sheegay in uusan si cad u tilmaami karin, balse ay isaga iyo inta la fikirka ahi falkaas aad uga xun yihiin

“Markasta anagu wixii noocaas oo kaleeta ah ee umadda lagu naafeynayo beri baan ka nahay...aniga iyo ciddii islaamka iyo ku dhaqankiisa iyo ixtiraamkiisa aaminsan oo dhan iyo culimada intaan ka warqabo.. waxaas waan inkireynaa beri baanna ka nahay” Sheekh Xasan ayaa yiri.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay in Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka tirsanaa culimada waaweyn ee Soomaalida oo jimcihii magaalada Garoowe lagu toogtey ay dilkiisa ka danbeysey xarakada Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya