3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2013
Qarax dilay ruuxii aasayay oo xalay ka dhacay Magaalada Garissa ee xarunta Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya

Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) - Qarax Miino oo aad u xooggan ayaa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii uu ka dhacay gudaha magaalada Garissa, iyadoona la sheegay in qaraxu uu ku dhintay ruux doonayay in uu aaso.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay in uu damacsanaa in Miino uu ku aaso garoon lagu dheelo kubadda oo ku yaal Iskuulka loo yaqaan Garissa Primary, halkaasoo inta badan ay dadka kula hadlaan musharaxiinta ku loolameysa ololaha doorashada dalka Kenya.

Goobjooge ku sugan magaalada Garissa ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Garissa, wuxuuna xusay in uu ku dhintay oo qura ruuxii aasayay.

"Qaraxu wuxuu ka dhacay iskuulka Garissa Primary, ninkii Miinada aasayay ayaa ku dhintay, cad cad ayuuna u googo'ay," sidaa waxa yiri Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Garissa oo u waramayay HOL.

Qaraxa kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska, waxaana saaka isugu yimid iskuulka weyn ee Garissa Primary dadweeyne aad u fara badan, kuwaasoo doonayay in ay arkaan sida ay wax u dhaceen.

Qaraxyada iyo falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Garissa ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada guud ee madaxtinimada dalka Kenya, taasoo ololaheeda uu imika ka soconayo guud ahaan dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/17/2013 1:32 PM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Golaha deegaanka qaybta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay maausho Galmudug ayaa u maanta kulan ay yeesheen ugu doortay, Bile Bashiir Caynab inuu noqdo duqa magaalada, Gaalkacyo.

2/17/2013 12:44 PM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Maamulka Tajamuca Islaamka ayaa bayaan ay kasoo saareen maanta xaruntooda Muqdisho waxay kaga tacsiyeynayaan falkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo ka mid ahaa culummada Soomaaliyeed.

2/17/2013 9:39 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidamada badda Soomaaliya ayaa maanta alu qabtay Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay ka qaybgaleen munaasabaddan.

2/17/2013 8:49 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

2/17/2013 8:10 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Taliska howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si adag u cambaareeyay qarax shalay ka dhacay baar Liido, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

2/17/2013 6:59 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Xaalad abaareed oo baahsan ayaa laga soo sheegayaa degaanno badan oo ku yaalla gobolka Sool, gaar ahaan deegaannada howdka ee oomanaha ah.

2/17/2013 6:58 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) — Jaamacada Al-ictisaam oo AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax uu ka tirsanaa, ayaa bayaan ay shalay soo saareen islamarkaana nuqul kamid ahi uusoo gaarey shabakadda HOL, waxay ku sheegeen in dilka Sheekha ay ka danbeysey xarakada Al-shabaab.

2/17/2013 6:30 AM EST
Axad, Feberaayo 17, 2013 (HOL) -Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa toogasho ku dilay Alaha u naxariisteen Marxuum Axmed Jimcaale (Maleele) oo ka mid ahaa macalimiinta sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

2/17/2013 6:24 AM EST
Axad, February 17, 2013 (HOL) - Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay ishortaagtay qorshihii ay dawlada Kenya ku doonaysay $10 milyan, kaasoo ay doonaysay Kenya inay u ansixiyaan golaha ammaanka ee qaramada midoobay.