Ururka Suxufiyiinta Jubbooyinka ee JIJA oo xaflad ay ku qabteen Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Hoggaan Cusub [SAWIRRO]
.JPG)
Khamiis, December 19, 2013(HOL) :- Xaflad si heersare loo soo agaasimay oo ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka (JIJA) ay maanta ku qabteen Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayay ku doorteen hogaan cusub oo uu yeelan doono ururka.
Xafladdan ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, ururrada bulshada rayidka, haween, odoyaal dhaqameed iyo waxgarad kale.
Ugu horeyn ayaa xafladda waxa ka hadlay qaar kamid ah suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Kismaayo, waxayna goobta ka sheegeen in maanta ay soo bandhigi doonaan hogaanka cusub ee uu yeelan doono ururka JIJA, kaasoo doorashadiisa ay 11-kii bishan ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo.
.JPG)
Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo goobta ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay in si xor oo xalaal ah ay suxufiyiintu u sameysteen hogaan cusub, wuxuuna xusay in ka maamul ahaan ay la shaqeyn doonaan.
Wasiiirka arimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Max’ed Faarax Warsame (Darwiish) oo isna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay suxufiyiinta Jubooyinka, isagoo sheegay in ay wax lagu farxo tahay in saxaafadda gobolka ay ku mideysantahay urur ay iyagu sameysteen, wuxuuna sheegay in ay garab istaagi doonaan saxaafadda.
Masuulkan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ilaalin doonaan xoriyadda saxaafadda, isagoo intaa ku daray in hadda wixii ka danbeeyo suxufiyiintu ay yeelan doonaan goob loogu soo hagaago maadaama ay sameysteen buu yiri hogaan ay ku mideysanyihiin.
Sidoo kale Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay tallaabadan, wuxuuna xusay in shakhsi ahaan uu aqoon fiican u leeyahay ururka JIJA islamarkaana uu lasoo shaqeeyay, wuxuuna xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in ururka uu markale ka hanaqaado gobollada Jubooyinka.
.JPG)
Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay suxufiyiinta Jubooyinka tallaabada ay qaadeen, waxayna dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyay hogaanka cusub ee ururka.
Ururka JIJA oo uu aasaasay AUN Wariye Nasteex Daahir Faarax oo lagu tilmaamo in uu ahaa aabihii saxaafadda Jubooyinka, ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waxaana ururkani uu soo yeeshay hogaan kala duwan, iyadoo xilliyadii ugu danbeeyay uu ururkani ka shaqeynayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
DHISMAHA CUSUB EE URURKA JIJA:
1. Gudoomiyaha ururka JIJA, Khadar Maxamuud Xareed
2. Gudoomiye ku xigeynka ururka JIJA, Xasan Nuur Maxamed
3. Gudoomiye ku xigeynka labaad, Najma Cusmaan Yusuf
4. Xoghaya guud ee Ururka, Jamac Axmed Cali Joofane
5. Madaxa Maaliyadda Ururka, C/raxmaan Bashiir Happy.
6. Ku xigeynka Maaliyadda Ururka, Kaafiya Cumar Yuusuf
7. Afhayeenka Uururka Ururka, Maxamed Farax Sahal (Gacmadheere)
8. Xoghayaha xiriirka dibaddaUrurka, Mahad Cumar Diiriye - Nairobi base.
9. Madaxa xiriirka wariyaasha gobollada Jubbooyinka iyo dalka, C/casiis Xaaji Maxamud
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya