4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Shaqo ku Tagay Degmooyinka Gobolka Gabilay iyo Mashaariic uu Xarigga ka jaray

Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku joogga gobolka Gabiley ayaa booqday goobo mashaariic  kala duwan laga hirgaliyey.

Madaxweynaha waxa uu shalay ka qaybgalay munaasibad loo sameeyey ardaydii ugu horaysay ee ka baxa jaamacadda Timacadde ee magaaladda Gabiley.

Ardayan oo koobnaa 103 arday oo dhamaystay kuuliyado kala duwan ayuu  madaxweynuhu ku hambalyeeyey aqoonta ay barteen iyo sidda balaadhan ee magaaladda Gabiley loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale, madxweynaha oo xalay u hoyday magaaladda Gabiley ayaa la kulmay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka reer Gabiley, kuwaas oo ka wada hadlay baahiyaha gobolka ka jirta iyo sida ay xukuumadda wax uga qaban lahayd, waxa kale oo uu maanta  qaarna dhagax dhigay, qaarna xadhiga ka jaray dhismayaal ay dhisanayso dawladda hoose  iyo wadooyin ay hirgalinayaan dawladda Hoose ee Gabiley.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu magaaladda Gabiley u dhaafay tuulooyinka ku xeeran iyo degmadda Alla-baday ee xadka Itoobiya io Somaliland u dhexeysa, waxaanu halkaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan degmadaasi, waxa kale oo uu dhagax dhigay waddo isku xidhi doonta  magaaladda Alla-baday iyo Hargeysa oo dadweynaha deegaankaasi hirgalinayaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu si weyn u taageerayo gacana ka geysanayo hawlaha kala duwan ee ka socda Degmooyinka, isla markaana uu u kuurgalayo xaaladda guud ee dadweynaha gobolada ku nool.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland