4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo diiday in Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu la hadlo iyo Doodda Mooshinka oo socota (SAWIRRO)


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa diiday maanta inuu hadal u jeediyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaddib qoraal ka yimid ra'iisul wasaaraha oo uu ku dalbanayay inuu doonayo inuu la hadlo baarlamaanka, iyadoo arrintaas uu buuq weyn ka dhashay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa doonayay inuu xildhibaannada baarlamaanka u jeediyo hadal uu ku difaacayo xukuumaddiisa oo mooshin kalsoonida loogala laabanayo uu horyaallo golaha shacabka, balse xildhibaannada waxay ku gacan-sayreen inuu la hadlo ra'iisul wasaaruhu.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoon ka ahaa ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay cod u qaadaan in ra’iisul wasaaruhu uu hadal u jeediyo iyo in kale, waxaana inta badan xildhibaannadu ay isku raaceen in uusan hadal u jeedin, taasoo keentay inuu baaqdo hadal uu doonayay ra'iisul wasaaruhu in hadal uu ka hor-jeediyo baarlamaanka.

Intaas kaddib waxaa billaabatay doodda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa, iyadoo dhowr xildhibaan oo ka mid ah kuwii shalay is-qoray ay maanta ka hadleen baarlamaanka.

Doodda xildhibaannada baarlamaanka ayaa weli socota iyadoo illaa iyo hadda ay hadleen in ka badan 35-xildhibaan, waxaana lagu wadaa sida guddoonka ay sheegeen in doodda lasoo gaba-gabeeyo maalinta berri ah oo Isniin ah, kaddibna xukuumadda loo qaado codka kal-soonida.

Mooshinka laga keenay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa saxiixay 168-xildhibaan oo ay intooda badan ku sugnaayeen kulankii maanta, kuwaasoo sheegay in xukuumaddu ay ku fashilantay inay wax ka qabato arrimo badan oo uu ka mid yahay ammaanka.

Inkastoo ra’iisul wasaare Saacid uu sheegay in khilaafka isaga madaxweyne Xasan Sheekh u dhexeeya uu yahay mid dastuuri ah uuna ku kalsoon yahay in dastuurka lagu kala baxo, iyadoo xildhibaanno ka hadlay kulanka ay sheegeen in ra'iisul wasaaruhu uu xaq u leeyahya inuu ka hor-hadlo baarlamaanka, balse go'aanka ay xildhibaannadu leeyihiin,








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya