4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaadqay in Maalinta berri ah ay Ciida iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Hambalyo diray

Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay ciid, waxaana hambalyo ku aaddan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dalalka Bariga Afrika ayaa iyagana loo dhawaaqay inay maainta berri ah tahay maalin ciid ah, kaddib markii ay dhammaatay bishii Ramadaan oo la soo soomay 29 maalmood.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaan hambalyo ku aadan ciidul-fidriga u diryaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ALLE  uga baryayaa inuu sannadkan kiisa kale nabad iyo baraare ku gaarsiiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri: “Waxaan baaq uga dirayaa anigoo ka fa’iidaysanaya fursadda ciidda dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, isku naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka.”

Dalka Jabuuti oo isaguna ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa waxaa looga dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay ciid, iyadoo mdaxda dalkaas ay ugu baaqeen shacabkooda inay ku ciidaan farxad maalinta ciida, kaddib markiii ay soo dhameysteen soonkii bisha Ramadaan.

Ra’iisul wasaare oo sii hadalyay ayaa wuxuu mar kale yiri: “Waxaan ciidanka qalabka sida u dirayaa hamblayo ku aaddan maalin ciiddan gaar ahaan kuwa u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo aad u adag. Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhallinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab inay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan kana qaybqaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeynta.”

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa iyagana looga dhawaaqay inay berri tahay maalin ciida ah, sidoo kale gobollada kale ee dalka ayaa iyagana looga dhawaaqay inay berri tahay ciid.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka muuqato rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada bulshada iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabadgalyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku garab istaagaan dowladdooda si dalka loo gaarsiiyo horumar.

Maxamed Maaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya