4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Hay’adda HARO oo Zakaatul Fidri u qaybisay Indhoolayaal iyo Barakacayaal ku nool Muqdisho iyo Jubbada Hoose (SAWIRRO)


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Hay’adda gargaarka bani’aadmanimo ee Afrika (HARO)  ayaa  gargaar raashin ah oo loogu talo-galay sakaatul fidriga ka qaybisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos, iyadoo loo qaybiyay dad dan-yar oo ay ku jireen kuwo indhoolayaal ah.

Gargaarkan oo ka koobnaa Bur iyo Bariis ayaa waxaa soo ururiyay walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Ameerika, iyagoo ugu talo-galey in la siiyo dadka ku dhibaateysan gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, iyadoo intii ay socotay qaybinta deeqdaas ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska HARO ee Soomaaliya

Intii lagu jiray bishii Ramadaan waxay hay’adda HARO ku howlanayd afurinta dadka heli karin afurka, iyadoo isku garab-wadday raashin qaybinta bisil iyo mid cayriin, kuwaasoo lasoo billaabay billowgii bishan Ramadaan ay illaa iyo hadda ka waddo gobollada kala ah: Banaadir, Jubbada Hoose, Puntland iyo Somaliland.

Dadkii ka faa’iideystay sakaatul fidriga iyo kuwi la afurinayay Ramadaanka ayaa waxay si aad ah ugu mahadceliyeen hay’adda HARO iyo dadkii gacanta ka geystay mashruucan, waxayna ka codsadeen hay’adda inay mar kasta oo la gaaro bisha Ramadaan ay halkaas kawaddo barnaamijyada lagu afurinayo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysan.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen inay halkaas kasii waddo bixinta zakaatul fidriga, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday HARO ay ballan-qaadeen in halkaas kasii wadi doonaan howlaha ay ugu adeegayaan dadka dhibaateysan iyo kuwa aan waxba haysan.

Qaar ka mid dadka Indhoolayaasha ah ee loo qaybiyay zakaatul fidriga ayaa u mahad-celiyey walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika waxayna Ilaah ugu baryeen in waxay soo dhiibeen wax ka khayr badan uu ugu bedelo iyagoo sheegeen in hay’adda HARO aysan ahayn markii ugu horreysey oo ay gargaarka noocan oo kale ah ka helaan hay’adda.

Dhinaca kale, waxaa iyana hay’adda HARO waxay magaalada Kismaayo ka qaybisey zakaatul fidri; waxaana la siiyay dad gaaraya 403-qoys kuwaasoo ku jiray saddex xero oo ku yaalla magaaladaas; waxayna qaybintaas ay u dhacday sidii loogu talogalay, waxaana gargaarkan uu ka mid ahaa kuwii ay soo dhiibeen walaalaha ku nool Waqooyiga Ameerika.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya