4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Koox Dabley ah oo xalay meel Boosaaso u jirta 55-KM ku gubey Laba Gaari oo u Rarnaa Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay ku gubey inta u dhexeysa magaalada Boosaaso iyo tuulada Kala-bayr labo gaari oo nooca xamuulka qaada ee ay Soomaalidu (Candho-meydlaha) u taqaan ah.

Gawaaridan oo u kireysnaa hay'adda WFP, kuna sii jeedey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa mid kamid ahi uu sidey shidaal halka midka kalena uu sidey buskudka lasiiyo ciyaalka ay nafaqo darradu hayso (Buskud Dhiiqo).

Goobta uu falkani ka dhacay ayaa ah Meermeerka oo qiyaastii 55-km koonfurta kaga aaddan magaalada Boosaaso. Taliye ku-xigeenka ciidamada Daraawiishta Puntland sareeye guuto Axmed Cabdi Xaashi oo la hadlay Idaacadda Daljir ee magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen.

Wuxuuna sheegay in labadan gaari markii ay halkaas marayeen ay koox dabley ah oo hubeysni rasaas ku fureen si ay joojiyaan, isagoo intaas raaciyey in wadayaashii iyo rikaabkii kaleba ay ku amreen in ay soo degaan kaddibna ay indhaha ka xireen.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Daraawiishta Puntland sareeye guuto Axmed Cabdi Xaashi ayaa dhinaca kale sheegay in kooxda weerarka geysatey ay labada gaari dab qabadsiiyeen, kaddibna ay goobta ka baxsadeen. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo weerarkaas ka dhashay marka laga reebo baabuurta iyo wixi saarnaa oo bas beelay.

Mar la weydiiyey cidda weerarka geysatey iyo sababta wuxuu sheegay in uu baaritaan socdo, haseyeeshee uu isagu rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

"Weli baaritaan baa socda, aniguse waxan ka aaminsanahay in ay ka danbeeyeen nimankaas dadka iyo dalka iyo diintaba liddiga ku ah ee Shabaab la yiraahdo..." sareeye guuto Axmed Cabdi Xaashi ayaa yiri.

Falkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah, wuxuu kusoo aadayaa maalin kaddib markii wasaaradda amniga ee Puntland ay ka digtey weeraro argagixiso oo ka dhaca Puntland inta lagu guda jiro ayaamaha iidka, arintaasoo keentay in ciidamada heegan sare la geliyo magaalooyinka waaweynna howlgallo baaritaan u badan laga bilaabo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya