4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
U diyaar-garowga Munaasabadda Ciidda oo laga dareemayo Suuqyada kala duwan ee ku yaalla Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay maalin keliya ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa suuqa weyn ee magaalada Boosaaso laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xooggan.

Qaybaha suuqa ee lagu gado dharka iyo kabaha ayaa ah kuwo aad u mashquulsan. Dadweyne kumanaan qof gaaraya ayaa suuqa wax ka iibsanaya, arintaas oo keentay ciriiri badan.

Sidoo kale waxaa qaybaha kale ee suuqa ee saxmadda laga dareemayo kamid ah carwooyinka udugga, kuwa lagu gado qalabka ay ciyaalku ku ciyaaraan iyo dukaamada laga iibsado macmacaanka.

C/rashiid Salaad Hogato oo kamid ah ganacsatada suuqa ku leh carwooyinka dharka ayaa mar Hiiraan Online ay wax ka weydiisey iibka iyo in wax is beddel ahi uu ku yimid qiimaha badeecooyinka wuxuu sheegay in alaabooyinka qaar qiimahoodu uu kor u kacay.

Arrintaas ayuu u sababeeyey hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta Doolarka, maadaama sida uu sheegay ay suuqyada Puntland ku yaraatay lacagta Shilin Somaaliga Doolar badnina uu suuqa soo galay.

Qiimaha maciishadda daruuriga ah ayaan wax is beddel ahi ku imaan. Qqaar kamid ah ganacsatada iibiya raashinka ayaa Hiiraan Online u sheegay in qiimaha raashinku uu yahay mid fadhiya.

Munaasabadda Iidul Fidriga oo ay muslimiinta dunida oo dhami sannad walba u dabbaal degaan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la xuso, inkasta oo aan weliba si rasmi ah la isugu raacin in berri ay ay iid tahay iyo in kale.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya