4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Xoogagga Al-shabaab oo Dagaal xooggan ku qaaday degmada Afmadow oo ku taalla galbeedka Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, August 07, 2013(HOL) :- Xoogagga Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin lixaad leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa bilowday shalay gelinkii danbe waxa uuna socday ilaa xalay fiidkii, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Goobjoogeyaal ku sugan degmada Afmadow ayaa HOL u xaqiijiyay in dagaalyahannada Al-shabaab ay gudaha u galeen magaalada, haseyeeshee dagaalka ayaa markii danbe waxa kubiiray ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhimatay in ka badan 17 qof iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen tiro intaasi ka badan, waxaana dhamaan dadkaasi ay ahaayeen dhinacyadii ay dirirtu u dhexeeysay.

Taliyaha ciidamada maamulka Jubbaland Jen: Saxardiid oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay in dagaalkii xalay, isagoona xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen qasaarooyin lixaad leh.

Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa laba jibaaray dagaalladii ay ka wadeen Soomaaliya, waxaana ay arintani ka danbeeysay kadib war kasoo baxay hogaanka sare ee Al-shabaab ay ku sheegeen in ay kordhin doonaan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya inta lagu gudo jiro bishan barakeeysan ee Ramadaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya