3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo si kedis ah ku Tagay Madaarka Hargeysa iyo Toban kun oo Askari oo la dallacsiinayo (SAWIRRO)


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport  ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

Kermeerkan madaxweynaha oo ahaa mid aan la sii sheegin, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.

Kormeerkan ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu ku indho indhayey sida uu u socda dhismaha madaarka oo muddo sanad ku dhow u xidhnaa dib u hagaajin iyo dayactir lagu waddo, haseyeeshe lama sheegin in madaxeynuhu wax ka waydiiyey shirkada hawsha wadda sababta dib u dhacan keentay, maadaama oo ahayd in muddo gaaban lagu dhamaystiro madaarka Hargeysa.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeerkan oo kale ku maray xaafado ka tirsan magaladda Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inuu u kuurgalayey baahiyaha iyo horumarka ka socda caasimada, isagoo soo eegay wadooyin cusub oo laga hirgaliyey xaafadahaasi.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo marka uu joogo kormeero kadis ah ku taga meelo aan laga filayn, taas oo aanu inta badan kaxaysan gaadiidka madaxweynaha iyo tiknikada lagu yaqaano ee marka uu baxayo iyo marka uu soo galayo madaxtooyadda uu kaxaysto, laakiin inta badan marka uu kormeerada kadiska ah ku baxayo waxa uu kaxaystaa gaadiid shacab oo taarikadda shacabka leh.

Kormeerkan uu madaarka iyo xaafadaha qaarkood ku maray madaxweynaha waxa ku wehelinayey Marwada koowaad Dalka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir.

Dhinaca kale,  Madaxweynuhu waxa uu soo saaray xeer lagu dhaqangalinayo bixinta darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka, iyadoo darajooyinka loo qeybin doono toban kun oo askari oo u dallacay darajooyinka Alifle illaa Sareeye Gaas.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Taliyeyaasha ciidammadda faray inay bixiyaan darajooyinkan munaasibadda Ciidul fidriga, isagoo sheegay in korodhka gunnooyinka darajooyinkana laga bilaabi doono bisha September 2013-ka.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu shaacinayey in toban kun oo askari maalinta ciidda la siin doono darajooyin kala duwan.

“Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cadami ayaa sheegay in darajooyinkii ciidamadda uu u gudbiyey taliyeyaasha ciidamada si  maalinta Ciidda ugu ciidaan darajooyinka oo lagu saleeyey mushaharkoodda, waxaanay ka kooban yihiin ciidankaasi  kuwa Militariga, Booliska, Asluubta, ciidamada ilaalinta xeebaha iyo ciidanka Laanta socdaalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/6/2013 3:41 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:15 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 10:00 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 7:19 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/6/2013 2:11 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.