3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku Toogtay guddoomiye xigeenkii Degmada Wardhiiley ee Gobolka Banaadir

Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

Dableyda geysatay weerarkan oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo guddoomiye ku xigeenka la toogtay uu isla goobta ku naf-baxay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa ammaan-darrada Muqdisho ka jirta.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta isgoyska Siinaay markii uu falka dilka ah dhacayay ayaa sheegay inay geysteen rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo dilka kaddib si nabadgalyo ah uga tagay goobta.

“Mas’uulka la toogtay waxaa la socday wiil waardiye ahaa, waxaana markii hore ay kooxaha hubeysan dhaawac u geysteen wiilka, kaddibna waxay isla goobta ku toogteen guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugnaa halkaas.

Falkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa falalka lagu ugaarsanayo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya, wuxuuna kusoo beegmay xilli ay degmooyinka gobolka Banaadir ka jireen falal ammaan-darro oo ay mas’uulyadooda inta badan sheegatay Al-shabaab.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliyo iyo weliba maamulka gobolka banaadir oo ku saabsan dilka mas’uulkan ka tirsanaa maamulka gobolka loogu geystay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka howlgasho Muqdisho ayna si toos ah u beegsan doonaan dagaalyahannadooda xubnaha dowladda ka tirsan iyo ciidamada, waxaana habeen ka hor ay Al-shabaab weerarro qaraxyo ay ka geysatay Muqdisho.

Taliska booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ammaan-darada ka jirta Muqdisho ku eedeeyay siyaasiyiin heshiis hoosaad kula jira Al-shabaab, iyagoo sheegay inay sameynayaan howgallo lagu adkeynayo amniga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/6/2013 3:41 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:39 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

8/6/2013 10:15 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 10:00 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/6/2013 2:11 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.