12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Xaradaka Al-shabaab oo Faah-faahin ka bixisay Weerarro Qaraxyo oo ay ka geysatay Degmooyinka Gobolka Banadir

Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro isugu jira qaraxyo, duqeymo iyo kuwo toos ah oo ay habeen ka hor la beegsatay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa hadal uu siiyay warbaahinta ku hadasha afkooda wuxuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen weerarradaas kuwo ay ku doonayaan inay ku laciifiyaan awooda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Mujaahidiintu waxay la beegsadeen 21 weeraro oo dhamaantood ahaa kuwo loo adeegsday waxyaabaha qarxa ayna ku jireen duqeymo ayay la beegsadeen magaalada Muqdisho, waxaana laga gaaray hadafyadii laga lahaa,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in mid ka mid ah weerarradaas uu ahaa duqeyn ay la beegsadeen garoonka kubadda cagta ee Muqdisho, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika.

“Garoonka istaadiyum Muqdisho waxaan la beegsannay duqeyn sideed madfac ahayd, waxaana ku gaarsiinnay khasaare xooggan, labaatankii weerar ee kalena waxay ahaayeen kuwo loo adeegsaday bambooyin, si toos ahna loola beegsaday xarumo ay ku suganayeen ciidamada dowladda,” ayuu mar kale yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ka hadlay weerar ay ku qaadeen isla habeenkaas degmada Baydhabo, kaasoo uu sheegay inuu ahaa mid toos ah oo ay ka weerareen degmadaas saddex jiho iyagoo beegsanaya saldhigyada ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmadaas.

“Weerarkii lagu qaaday Baydhabo wuxuu ahaa mid ay mujaahidiintu ku beegsadeen saddex saldhig oo ay ciidamada dowladdu ka deggen yihiin degmada Baydhabo, kuwa AMISOM ee ku sugan warshaddii Xaseeyna waxaa loo dhigay difaac, waana laga hortagay inay u gurmadaan kuwa dowlada,” ayuu yiri afhayeenka, inkastoo uusan sheegin khasaaraha weerarradaas ka dhashay.

Ugu dambeyn, afhayeenka howlgallada Al-shabaab wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howgallada noocan oo kale ah, wuxuuna ku gooddiyay inay ka geysan doonaan Muqdisho weerarro dheeraad ah oo ay ku xanuujinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ee ka socda Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarradii habeen hore Muqdisho ka dhacay marka laga reebo mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in weerarradaas lala beegsaday qaarkood xarumo muhim ah, ayna khasaare geysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/6/2013 3:41 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu ku saabsan yahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ku nool Puntland.

8/6/2013 3:19 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda wadanka Ingiriisa, kuwaasoo uu horkacayey safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

8/6/2013 3:00 PM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland.

8/6/2013 10:39 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si kadis ah kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport ee magaaladda Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay.

8/6/2013 10:15 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kulan looga looga hadlay ammaanka iyo sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay'adaha ammaanka ayaa maanta lagu qabtay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

8/6/2013 10:02 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasiiradda Caafimaadka iyo deegaanka oo booqday goobta Qashinka xoolaha la qalo ka soo hadho lagu shubo ee magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybqaatay olole buufin ah oo lagu samaynayey goobaha lagu shubo qashinka xoolaha ka hadho oo ay ka dhasheen cayayaan fidin kara cudurada.

8/6/2013 10:00 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayey dadweyne faro badan oo buux dhaafiyey suuqyadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 7:50 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

8/6/2013 7:19 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

8/6/2013 6:48 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

8/6/2013 6:28 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Xili lagu gudo jiro maalmihii ugu bisha Ramadaan ugu dambeeyay, isla markaana jiraan qoysas danyar ah oo u baahan in la gargaaro, ayaa Ururka dhalinyarrada Gargaar waxaa uu kaalmo lacageed gaarsiiyay danyar ah oo ku dhibaateysan magaalada Baladweyne.

8/6/2013 2:38 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u hakiyeen xiriirkii kala dhexeeyay dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

8/6/2013 2:24 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maxkamada Gobolka Maroodi jeex, ayaa min toban sanno ilaa shan sanno ku xukuntay kow iyo labaatan dhalinyaro ah oo kufsi wadaradeed u gaystay laba hablood oo ku nool xaafadda New Hargeysa ee bariga magaaladda Hargeysa.

8/6/2013 2:16 AM EST
Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.