4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo Maanta u Ambabaxay Waddanka Itoobiya



Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdiga uu kusii jeedo magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Wafdigan uu hogaaminayo madaxweene kuxigeenka ayaa la filayaa in magaalada Adisababa uu uga qeybgalo wajigii labaad ee shir halkaasi uga socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Masuulkan oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu ka qeybgali doono shir halkaasi ku dhexmari doona dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isagoona xusay in shirkani uu yahay mid la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay arimaha Jubooyinka, waxaana masuuliyiinta ugu sareeysa dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesteen maamulka looga dhawaaqay Jubooyinka ee uu madaxweeynaha ka yahay Sheekh Axmed Madoobe, haseyeeshee waxa jiray isku dayo badan oo ay ka qeybqaadanayeen qaar kamid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya, kuwaasoo looga gon lahaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaa maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya