3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Dhaliilay Qodobbo ka mid ah War-Murtiyeedka Shirkii Kampala eedeynna u jeediyay dowladda



Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa, isagoona si kulul u dhaliilay qodobo kamid ah warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay dalka Uganda ku yeesheen madaxweeynayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Qodobada kasoo baxay shirkaasi ee masuulkani dhaliilay ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka garoonka diyaaradaha iyo dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, isagona sheegay in aysan jirin cidda hadaba ka hortaagnayd dowladda Soomaaliya maamulka garoonka iyo dakadda balse ay ahayd in ay usoo marto hab dastuuri ah,  waaa siduu hadalka u dhigaye.

“Wax dowladda Soomaaliya ay iyadu leedahay in ay dowlado kale marqaati u gashato oo ay la hoos orodo ma dow bay u leedahay, iyadaa iska leh yaa u diidan, waayo cidda u diidan ee hada laga hadlayo, Barbara, Boosaaso, Muqdisho, KIsmaayo, Marka, Baraawe iyadaa iska leh dowladu, iyadaa dowlad u ah, dastuurkeeda waxaa qorayo,” ayuu masuulkani hadalkiisii ku yiri.

Madaxweeyna maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dabamarsantahay waxa uu qorayo dastuurka dalka, islamarkaana aysan dooneyn in horumar laga gaaro siyaasadda arimaha gudaha.

“Dowlaadu haku soo noqoto waaqica dhabta ah ee wadanka ka jira, waxa loo igmaday iyo shaqada loo dirayna waxay tahay in ay qaadataa ila quman, oo ay noqoto in ay siyaasadda gudaha iyo dhaqanka iyo dadkeeda iyo bulshada gudaha sidii wax loogu qaban lahaa in ay ka shaqeeyso, in aysan ka shaqeyn dibad la warwareego iyo bannaan laga caytamo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kahor dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kaasoo ay kasoo baxeen warmurtiyeed ka koobnaa 39 qodob oo ay kamid ahaayeen in dowladda Soomaaliya ay maamusho dakadda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ah ilaha dhaqaale ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
8/5/2013 1:44 PM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xalay lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah.

8/5/2013 1:26 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Waxaa manata garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday ku dhawaad ilaa 50 askari oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

8/5/2013 1:08 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdiga uu kusii jeedo magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

8/5/2013 9:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga billaabay degmadaas iyadoo loogu diyaargaroobayo nadaafaddan maamaha ciidda ee ee inagu soo fool leh.

8/5/2013 8:57 AM EST
Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qaybgashay shirka qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolku ay ku yeesheen dalka Uganda ayaa sheegtay in eedaymaha loo soo jeedinayo dalkeeda oo ah inay ku lug yeesheen siyaasada arrimaha ee gobollada Jubbooyinka in ay tahay mid aan wax u taraynin hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya xasiloonida loogu soo celiyo.

8/5/2013 8:57 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Shir ka dhacay madaxtooyada Sooamaliya shalay oo Axada ahayd ayna isugu yimaadeen xoghayaha golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, Calas Maxamuud Jaamac (Juge), agaasimayaasha guud ee wasaradaha dowladda, guddiga madaxa-bannaan ee xaqiiqa raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka (Human Rights Task Force) iyo danjiraha Soomaaliya ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) ayaa looga hadlay xaaladda xuquuqul aadanaah ee Soomaaliya .

8/5/2013 8:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa loosoo tababaray markii ugu horreysay ciidammo booliis ah oo u tababaran sida mliateriga, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 125-askari, waxayna tababarkan ku qaateen muddo afar bilood ah xerada milateriga Bihanga ee dalka Uganda.

8/5/2013 5:43 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) —Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

8/5/2013 5:41 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Siminnaar ku saabsan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida xadgudubyada loo geysto loo yareyn lahaa ayaa waxaa loosoo gabgabeeyay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno kale oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

8/5/2013 3:47 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Taliyaha booliiska Somalia, Jen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegy in amni-darada ka jirta magaalada Muqdisho ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin raadinaya mansab, wuxuuna xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka caasimadda ku sugi lahaayeen.

8/5/2013 3:45 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shahaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.

8/5/2013 2:50 AM EST
Isniin, Agoosto 05, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sharci dejinta Congress ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyay musharraxa Soomaaliyeed ee Cabdi Warsame oo u tartamaya golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo u sheegay inuu ugu deeqayo taageeradiisa, isla markaana ka qeyb galayo isku soo baxyada ololihiisa.