3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed oo difaacday Siyaasadda dalkeeda ee ku wajahan Soomaaliya
Amina-Mohamed-nominee-for-the-post-of-Cabinet-Secretary-Foreign-Affairs-ministry-acknowlegdes-her-nomination-on-Apr.jpg
Isniin, August 05, 2013(HOL) - Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qaybgashay shirka qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolku ay ku yeesheen dalka Uganda ayaa sheegtay in eedaymaha loo soo jeedinayo dalkeeda oo ah inay ku lug yeesheen siyaasada arrimaha ee gobollada Jubbooyinka in ay tahay mid aan wax u taraynin hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya xasiloonida loogu soo celiyo.

Aamina ayaa sheegtay in haatan ay jirto fursad mudan in awoodeena oo dhan aan isugu gayno sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2016.

Iyadoo u warramaysay wakaalada wararka shiinaha ee la yiraahdo Shinwaa (Xinhua) ayay wasiiraddu tilmaantay inaysan jirin wax cabasho ah oo si rasmi ah Soomaaliya ay ugu soo gudbisay Kenya.

“Ma jiraan wax cabasho ah oo si toos ah naloogu soo gudbiyay annaga, waxaase jira dhibaatooyin ay tahay inaan dhammaanteen ka wada shaqayno sidii xal loogu heli lahaa” ayay tiri Aamino.

"Hadii aan dhammaanteen gacmaha isqabsano waxaynu gaaraynaa halka aynu doonayno oo ah ballanqaadkeenii ahaa inaan Soomaaliya kasoo baxno 2016-ka” ayay sii raacisay.

Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in labaatankii sano ee lasoo dhaafay Kenya ay taageeraysay Soomaalida si dalkooda ay u xasiliyaan, u qabatayna shirar kala duwan oo xal loogu raadinayo mushkilada Soomaaliya.

Aamina oo markii ugu horreysay ka dhawaajisay in ciidamada AMISOM ay qorshaynayaan ina ka soo baxaan Soomaaliya 2016-ka ayaa u qabatay dawlada Soomaaliya inay shacabkeeda taageeradooda hesho muddo labo sano ah gudahood, oo ay la heshiiso, lana wareegto maamulka dalka iyo waliba maamulka meelaha ay Kenya haatan ciidamadeedu joogaan.

Haweenayda hormuudka ka ah diblamaasiyada dalka Kenya ayaa ku boorriday dawlada Soomaaliya inay raadsato kalsoonida shacabkeeda si aysan mar walba ula kulmin mucaaradad uga timaada gudaha oo ay dhisto hay’adihii dawlada.

Waxayna ku baaqday in wadamada Afrika ay taageeraan dhaqaalana siiyaan hawlgalka ciidamada AMISOM maadaama bay tiri ay midowga Yurub oo taageerada dhaqaale siin jiray AMISOM laga yaabo inay joojiyaan oo ay soo food saartay dhaqaale xumo.

Waxay Kaloo Aamina sheegtay inay dhibaatooyinka soo wajahay AMISOM aysan ahayn oo kaliya kuwa dhaqaale balse ay haysato ciidamo yaraan keentay in culayso soo fuulo hawlgalkooda.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa madmadow soo kala dhexgalay kadib markii ay dawlada Soomaaliya ku eedaysay ciidamada Kenya inay ka qaybqaateen dagaalladii ka dhacay Kismaayo, ayna dalbatay in ciidankooda lagu soo badalo ciidamo kale.

Balse arrinkan ayaa xal looga gaaray shirkii ay hogaamiyayaasha gobolku ku yeesheen dalka Uganda kaasoo lagu go’aamiyay in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Dekada iyo gagida caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo sidoo kalana meesha laga saaray dalab ay markii hore Soomaaliya ku doonaysay in ciidanka Kenya laga saaro magaalada Kismaayo, sida ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
8/5/2013 1:44 PM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xalay lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah.

8/5/2013 1:26 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Waxaa manata garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday ku dhawaad ilaa 50 askari oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

8/5/2013 1:08 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdiga uu kusii jeedo magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

8/5/2013 1:01 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya....

8/5/2013 9:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga billaabay degmadaas iyadoo loogu diyaargaroobayo nadaafaddan maamaha ciidda ee ee inagu soo fool leh.

8/5/2013 8:57 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Shir ka dhacay madaxtooyada Sooamaliya shalay oo Axada ahayd ayna isugu yimaadeen xoghayaha golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, Calas Maxamuud Jaamac (Juge), agaasimayaasha guud ee wasaradaha dowladda, guddiga madaxa-bannaan ee xaqiiqa raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka (Human Rights Task Force) iyo danjiraha Soomaaliya ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) ayaa looga hadlay xaaladda xuquuqul aadanaah ee Soomaaliya .

8/5/2013 8:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa loosoo tababaray markii ugu horreysay ciidammo booliis ah oo u tababaran sida mliateriga, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 125-askari, waxayna tababarkan ku qaateen muddo afar bilood ah xerada milateriga Bihanga ee dalka Uganda.

8/5/2013 5:43 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) —Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

8/5/2013 5:41 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Siminnaar ku saabsan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida xadgudubyada loo geysto loo yareyn lahaa ayaa waxaa loosoo gabgabeeyay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno kale oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

8/5/2013 3:47 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Taliyaha booliiska Somalia, Jen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegy in amni-darada ka jirta magaalada Muqdisho ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin raadinaya mansab, wuxuuna xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka caasimadda ku sugi lahaayeen.

8/5/2013 3:45 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shahaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.

8/5/2013 2:50 AM EST
Isniin, Agoosto 05, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sharci dejinta Congress ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyay musharraxa Soomaaliyeed ee Cabdi Warsame oo u tartamaya golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo u sheegay inuu ugu deeqayo taageeradiisa, isla markaana ka qeyb galayo isku soo baxyada ololihiisa.