3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Shir looga hadlayay Horumarinta iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Somalia oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Shir ka dhacay madaxtooyada Sooamaliya shalay oo Axada ahayd ayna isugu yimaadeen xoghayaha golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, Calas Maxamuud Jaamac (Juge), agaasimayaasha guud ee wasaradaha dowladda, guddiga madaxa-bannaan ee xaqiiqa raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka (Human Rights Task Force) iyo danjiraha Soomaaliya ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) ayaa looga hadlay xaaladda xuquuqul aadanaah ee Soomaaliya .

Shirkan ayaa daba-socday kulan ay isugu yimaadeen agaasimayaasha wasaaradaha iyo labada mas'uul ee kor ku xusan kaasoo dhacay bishii lasoo dhaafay 24-keedi iyo mid ku xigay oo isna dhacay 30-kii bishii hore marayna guddiga xuquuqal insaanka ee baarlamaanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee xaqiiqa raadinta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqal insaanka.

Kulankan iyo kuwo kale oo la tashiyo ah waxay daba socdaan shirkii Maarso 2013 ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo dhex-maray madaxda sare ee dalka iyo khabiirka caalamka ee madaxa-bannaan oo u qaabilsan u kuur-gelidda arrimaha xuquuqal insaanka Soomaaliya (Independent Expert on the situation of Human Rights in Somalia), Dr. Shamsul Bari.  Kulammadaas kaddib madaxda sare waxay go'aansadeen in dowladda Somalia diyaariso khariidadda geedi-socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo xuquuqal insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed (Human Rights Road Map for Somalia).

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva ahna khabiir ku xeel dheer xuquuqul nsaanka, Yuusuf Bari-bari ayaa war-bixin ka siiyay ka qaybgalayaasha shir ka dhacay bishii June ee sannadkan magaalada Geneva, kaasoo looga hadlay sidii loo hormarin lahaa loona ilaalin lahaa xuquuqul insaanka Soomaaliya.

“Bishii June 2013, kalfadhigii ka dhacay golaha xuquuqul insaanka ee UN-ka, waxaa lagu go’aamiyay in bisha Septembar 2013 la qabto shir looga hadlayo xaaladda xuquuqal insaanka Soomaaliya. Shirkaas waxaa warbixin sannadla ah ee ku aaddan Soomaaliya ka jeedin doona khabiirka madaxa-bannaan ee u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari, madaxda sare ee dowalada, madax ka socota dalalka sida gaarka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya,  wakiilka gaarka ah ee xoghayaha ee Somaaliya, danjire Nicholas Kay, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Annaadif iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa la filaya inay kasoo qayb-galaan shirkaas muhiimka ah. Madaxda sare ee dowlada Somalia ayaa u bandhigi doona golaha tubta ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo laguna ilaalin karo xuquuqul insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bari-Bari.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in golaha xuquuqal insaanka ee UN-ka uu afartii sanaba dal kasta uu marsiiyo imtixaan ku saleeysan qiimeeynta xaaladda  xuquuqal Insaanka ee ka jirta Soomaaliya .

Somalia ayaa markii ugu horreysay waxaa la marsiyey imtixaanka lagu qiimeeynayo xaalada Xuquuqal Insaanka ka jirta Soomaaliya sannadkii 2011. Wakiillada dalalka ku jira golaha Xuquuqal Insaanka QM ayaa u soo bandhigay 155 talooyin. Dowladdii KMG ahayd wada-tashiyo badan kaddib waxay si buuxda u aqbashay 151 ka mid ah talooyinkii loosoo jeediyey, sida uu qorshuhu yahayna sannadka 2015-ka ayay mar labaad Soomaaliya mari doontaa imtixaanka golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa waxaa looga fadhiyaa inay golahaas u gudbiso habka ay u dhaqan-galisay 151-kii talo ee ay Soomaaliya aqbashay.

Shirka bisha September 2013 ka dhici doonaa magaalada Geneva, madaxda sare ee dowladda Soomaaliya waxay haystaan fursad qaali ah oo ay kusoo bandhigi karaan qorshe ay u madax-bannaan yihiin oo lagu ilaalinayo laguna hormarinayo xuquuqal insaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxay fursad kale u haystaan inay codsadaan iskaashi labo nooc ah. Kuwasoo kala ah: iskaashi guud oo lala yeesho hay’adaha caalmiga ah (Multilateral Cooperation) iyo iskaashi labo geesood ah oo lala yeesho yeesho dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya (Bilateral Cooperation).

Hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladaha ka gaabiya iskaashigaas xaq uma yeelan doonaan inay dowladda federaalka Soomaaliya u soo jeediyaan eedaymo ka dhan ah ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Waxaa xusid mudan in laga soo billaabo sanadkii 2008 dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay in golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay laga ansixiyo sagaal qarraar oo  intuba dhigayaan in dowladda Soomaaliya loo fidiyo iskaashi kor loogu qaadayo tayeeynta hay’adaha dowladda si ay u hormariso una ilaaliso Xuquuqal Insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/5/2013 1:44 PM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xalay lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah.

8/5/2013 1:26 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Waxaa manata garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday ku dhawaad ilaa 50 askari oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

8/5/2013 1:08 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdiga uu kusii jeedo magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

8/5/2013 1:01 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya....

8/5/2013 9:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga billaabay degmadaas iyadoo loogu diyaargaroobayo nadaafaddan maamaha ciidda ee ee inagu soo fool leh.

8/5/2013 8:57 AM EST
Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qaybgashay shirka qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolku ay ku yeesheen dalka Uganda ayaa sheegtay in eedaymaha loo soo jeedinayo dalkeeda oo ah inay ku lug yeesheen siyaasada arrimaha ee gobollada Jubbooyinka in ay tahay mid aan wax u taraynin hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya xasiloonida loogu soo celiyo.

8/5/2013 8:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa loosoo tababaray markii ugu horreysay ciidammo booliis ah oo u tababaran sida mliateriga, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 125-askari, waxayna tababarkan ku qaateen muddo afar bilood ah xerada milateriga Bihanga ee dalka Uganda.

8/5/2013 5:43 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) —Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

8/5/2013 5:41 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Siminnaar ku saabsan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida xadgudubyada loo geysto loo yareyn lahaa ayaa waxaa loosoo gabgabeeyay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno kale oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

8/5/2013 3:47 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Taliyaha booliiska Somalia, Jen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegy in amni-darada ka jirta magaalada Muqdisho ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin raadinaya mansab, wuxuuna xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka caasimadda ku sugi lahaayeen.

8/5/2013 3:45 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shahaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.

8/5/2013 2:50 AM EST
Isniin, Agoosto 05, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sharci dejinta Congress ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyay musharraxa Soomaaliyeed ee Cabdi Warsame oo u tartamaya golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo u sheegay inuu ugu deeqayo taageeradiisa, isla markaana ka qeyb galayo isku soo baxyada ololihiisa.