3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin hore oo Siminaar loogu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Siminnaar ku saabsan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida xadgudubyada loo geysto loo yareyn lahaa ayaa waxaa loosoo gabgabeeyay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno kale oo horay xilal uga soo qabtay dalka.

Siminaaka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka ayaa ka socday Muqdisho muddo socday saddex maalmood ah, waxaana intii uu socday la isku dhaafsaday fikarado kala duwan oo ku saabsan xad-gudubyada loo geysto haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed iyo sida loo ilaalin karo xaquuqda aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Xiritaankii siminnaarka ayaa waxaa khudbad ka jeedisay Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha Somali Family & Child Care Organization (SFCC), iyadoo uga mahadcelisay ka qaybgalayaashii siminnaarkan sida ay waqtigooda ugu hureen mowduucan dhowridda xuquuqda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed, iyadoo sheegay in haweenka iyo caruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee xadgudubyada loo geysto.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, arrimaha bani’aadamnimada, haweenka iyo carruurta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay xirtaanka siminnaarkan ayaa ka qayb-galayaashii siminnaarka uga mahadcelisay sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb-qaateen siminnaarkan muddadii uu socday, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in muhiimad weyn uu u leeyahaya bulshada Soomaaliyeed.

“Haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed waxay la kulmaan xadgudubyo badan oo ay ka mid yihiin kufsi iyo fara xumeyn, ujeeddada tababarkan loo qabtayna ay tahay sidii loogu baraarugi lahaa dhibaatooyinkaas iyo sidii looga hortegi lahaa,” ayuu tiri xildhibaano Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha waxay sheegtay in loo baahan yahay in la helo talooyinka shacabka Soomaaliyeed ee sharciga xuquuqda aadanaha dalka, si loo helo sharci loo dhan yahay oo la horgeeyo golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, xildhibaanad Khadiijo waxay sheegtay in siminnaarkan uu qayb ka ahaa la tashiyo ay qaybaha bulshada Soomaaliyeed kala yeelan doonaan sharciga xuquuqda aadanaha.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/5/2013 1:44 PM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xalay lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah.

8/5/2013 1:26 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Waxaa manata garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday ku dhawaad ilaa 50 askari oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo.

8/5/2013 1:08 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona wafdiga uu kusii jeedo magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

8/5/2013 1:01 PM EST
Isniin, August 05, 2013(HOL) :- Madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya....

8/5/2013 9:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo lagu hagaajinayo bilicda magaalada Buuhoodle ayaa maanta laga billaabay degmadaas iyadoo loogu diyaargaroobayo nadaafaddan maamaha ciidda ee ee inagu soo fool leh.

8/5/2013 8:57 AM EST
Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qaybgashay shirka qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolku ay ku yeesheen dalka Uganda ayaa sheegtay in eedaymaha loo soo jeedinayo dalkeeda oo ah inay ku lug yeesheen siyaasada arrimaha ee gobollada Jubbooyinka in ay tahay mid aan wax u taraynin hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya xasiloonida loogu soo celiyo.

8/5/2013 8:57 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Shir ka dhacay madaxtooyada Sooamaliya shalay oo Axada ahayd ayna isugu yimaadeen xoghayaha golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, Calas Maxamuud Jaamac (Juge), agaasimayaasha guud ee wasaradaha dowladda, guddiga madaxa-bannaan ee xaqiiqa raadinta tacadiyada xuquuqal insaanka (Human Rights Task Force) iyo danjiraha Soomaaliya ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) ayaa looga hadlay xaaladda xuquuqul aadanaah ee Soomaaliya .

8/5/2013 8:18 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa loosoo tababaray markii ugu horreysay ciidammo booliis ah oo u tababaran sida mliateriga, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 125-askari, waxayna tababarkan ku qaateen muddo afar bilood ah xerada milateriga Bihanga ee dalka Uganda.

8/5/2013 5:43 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) —Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

8/5/2013 3:47 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Taliyaha booliiska Somalia, Jen. C/xakiin Daahir Saciid ayaa sheegy in amni-darada ka jirta magaalada Muqdisho ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin raadinaya mansab, wuxuuna xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka caasimadda ku sugi lahaayeen.

8/5/2013 3:45 AM EST
Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shahaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.

8/5/2013 2:50 AM EST
Isniin, Agoosto 05, 2013 (HOL) - Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sharci dejinta Congress ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeyay musharraxa Soomaaliyeed ee Cabdi Warsame oo u tartamaya golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo u sheegay inuu ugu deeqayo taageeradiisa, isla markaana ka qeyb galayo isku soo baxyada ololihiisa.