1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in la caawiyo dadka dan-yarta ah si ay uga Qayb-qaataan Farxadda Ciidda

Axad, August 04, 2013 (HOL) — Xili siweyn guud ahaan muslimiinta ku dhaqan dunida gaar ahaan Soomaaliya u dyaar-garoobayaan munaasabada Ciiddul-fidriga oo maalmo kooban uu ka dhiman yihin, ayuu ugu baaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo in dadka wax heysta caawiyaan walaalahooda kale ee danyarta ah si ay uga qeyb-qaataan farxada maalinta Ciidda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan qoysas badan oo danyar ah oo aan awood badan u laheyn in ay iyaga iyo caruurtooda ka qeyb-qaataan farxada maalinta Cadda sababo la xiriira daruufaha nolaleed ee ku hareereysan, waxaana uu ugu baaqay hay'addaha samafalka iyo dadka muxsiniinta ah ee dhaqaallaha heysta in ay caawiyaan dadkaas.

Si gar ah waxaa uu guddoomiyuhu farta ugu fiiqay dadka danyarta ah ee ku dhacmay lacagaha been-abuurka ah oo markii laga mamuucay suuqa la soo darrista dhibaato dhinaca nolasha ah, isaga oo sheegay in maamulku ka warqabo arintaa iyada ah, hasse ahaatee laga fikiray dhibaatada waqtiga fog ay ku reebi laheyd lacagtaas nolasha guud ahaan bulshada gaar ahaan kuwa danyarta ah.

“Waan ka warqabnaa in ay jiraan dad dhibaato kala kulmay mamnuucista lacagta, laakiin waxaa hubaal ah in mid ka darran lala kulmi lahaa haddii lacagtaa suuqa lagu sii deyn lahaa, sida daraadeed  saameynta waqtiga kooban waxaa ka darran tan mudada fog jiri laheyd,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ayuu ugu baaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan in ay ilaalashaada ammnigooda, lana shaqeeyaan ciidamada nabad-galyada, waxaana uu cambaareyn dusha uga tuuray dilkii dhawaan kooxo hubeysan ugu geysteen magaalada Baladweyne afhayeenka gollaha odayaasha dhaqanka gobolka nabadoon Xusseen Cilmi Ibraahim.

“Maamulka waa mid u adeega bulshada gobolka, si gaar ah ayaa uga xanuusanaynaa daruufaha nolaleed ee waqtigan heysta dadka danyarta ah, sidaa daraadeed waxaan leenahay halaga qeyb-qaato sidii loo caawin lahaa dadka xaaladaha dhinaca nolasha la soo darseen,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Baladweyne si is daba joog ah u codsanayeen in la soo caawiyo, madaama la guda-gallayo Ciiddul-fidriga oo ah munaasabad ku weyn guud ahaan dadka mulismiinta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya