4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Waaxda Socdaalka dowladda Somalia oo Maanta is-hortaag ku sameysay in Wariye Mascuud loo duuliyo Kenya si loogu soo daweeyo


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Wariye Mascuud Cabdullaahi Aadan oo ahaa wakiil wareedkii Radio Dalsan ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta loo diiday inuu u safro magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo loogu waday in looga qalo dhabarka oo ay xabbadi uga jirto.

Mascuud ayaa waxaa la rajaynayay in laga ambabixiyo garoonka Adan Adde ee Muqdisho, balse waxaa is-hortaag ku sameeyay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wariyaha dhaawaca ah uusan wadan warqad ka socota wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxay dhibaato iyo walwal hor leh ku beertay wariye Mascuud Cabdulaahi oo xaaladdiisa caafimaad ay aheyd mid aad u liidata maadaama wali qaybo ka mid ah jirkiisa ay ku jiraan rasaastii kula soo dhacday Kismaayo.

Wariye Mascuud ayaa waxaa u dhameystirnaa dhamaan dukumiintiyadii socdaal ee looga baahaa iyo kuwii muujinayya inuu ahaa wariye ka tirsan idaacadda Dalsan ee Muqdisho iyo inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo u socda safar caafimaad.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey ayaa cambaareeyay tlalaabada Mascuud looga hakiyey safarkiisa caafimaad ee uu ugu socday Nairobi, kaas oo muddo laga shaqeynayay.

"Waxaa aad nooga yaabiyay wariye xabbadi ku jirto qaybo jirkiisa ah oo wax looga qaban-waayay xaaladdiisa caafimaad gudaha isla markaana haysta wax walba oo looga baahnaa inuu ku safro sababta loogu xujeeyay inuu ka keensado warqad wasaaradda warfaafinta, waayo wariyuhu waa wariye ka howlgala idaacad madax-banaan, qof walbaa oo muwaadin ah oo dalka wax looga qaban waaya ayaana safri kara ," ayuu yiri Xasan Geeseey.

Maamulka Radio Dalsan ayaa dowladda ugu baaqay in arrintaas baaris lagu sameeyo, waxaana mas'uuliyadda wax walba oo Mascuud ku yimaada qaadi doono buu yiri ciddii ka celisay in loo qaado isbitaalka lagu qali lahaa.

Wariye Mascuud ayaa 17 bishii hore ee July wuxuu ku dhaawacmay xarunta goblka Jubbada Hoose ee Kismaayo, kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidammo ka tirsan kuwa Raaskambooniyiinta xili uu soo tabinayay qarax lagu weeraray ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya