4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Ururka dhallinyarada ee SYP oo dood ku saabsan Wacyi-gelinta bulshada ku qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, August 04, 2013 (HOL) — Ururka horumarinta dhallinyarada ee SYP ayaa maanta ku qabtay Muqdisho dood-cilmiyeed ku qabatay looga hadlayay sida mashaa'ikhda Soomaaliyeed ay ugu hoggaamin lahaayeen dadka faham wanaagsan oo dhinaca diinta ah.

Dooddan ayaa waxaa ka qayb-galay culumaa'uddiin iyo dhallinyaro, iyadoo ururka uu ka dhawaajiyay in dhallinyarada ay yihiin kuwo dhibka geysta, loona geysta, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in lagu hoggaamiyo waddada saxda ah.

"Ururkan wuxuu u taagan yahay horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa marin habaabinta la marin habaariyay. markii uu dhib dhaco culummo ayaa loo yeeraa, daawada dadka iyo dalkuna waxay ku jirtaa culummada maadaama aan islaam nahay," ayuu yiri Abshir Axmed Black oo ah guddoomiyaha SYP.

Abshir Black ayaa sheegay in culumada Soomaaliyed looga baahan yahay in dhallinyarada ay fahamsiiso fahamka saxda ee diinta, isagoo xusay inay jiraan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo la dhibaateeyay, aqligiina laga xaday, iyadoo loo isticmaalayo dan gaar ah.

"Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay noqdeen qaar maskaxdii laga xaday oo loo adeegsaday dano gaar ah, qaar dhibaato loo geystay mar walba si aan habbooneynna ku dhinta, culumada waxaa laga doonayaa in dhalinyaradaas ay wacyi-geliyaan, fikradihii lagu shubay ee qaldanaana laga dhaqo," ayuu Abashir Black hadalkiisa ku daray.

Sheekh Maxamed Sheekh C/llaahi Caddow oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mashaa’ikhda Soomaliyeed ay leeyihiin doorka ugu muhiimsan baraarujinta iyo wacyi-gelinta ummadda; sidii nabad dalka loogu soo dabaali lahaa dalka.

"Culumada door wanaagsan ayay ku leeyihiin toosinta ummadda ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, Soomaalida waxaa marjac u ahaa culumada, waliba odayaasha dhaqanka waa ka horreeyeen, mashaa'ikhda dadka ugu horreeya ee colaadaha damiya ee dadka kasoo dhex-baxa ayay ahaayeen, kuwa dadka heshiisiiya, dadka ka difaaca markii ay timaaddo dhibaato," ayuu yiri Sheekh Maxamed C/lllaahi .

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in halgamayaasha Soomaalida ay ugu horreeyeen culummada, isagoo kasoo qaatay culumaa'uddiin uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Barsane oo uu sheegay inuu dadaal badan geliyay difaacidda dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

"Waa in marka hore wacyiga dadka laga qayb-qaato, diinta islaamkana la baro, akhlaaqda wanaagsan waxay ku jirtaa diinta wanaagsan, dhaqanka wanaagsan waa dhaqan diinta islaamka gun-dhig u ah, marka waa in la iska kaashado amniga, Soomaaliya waxaa kusoo duulay cadaw dibadeed iyo mid gudaha ka dhashay," ayuu Sheekh Caddow hadalkiisa ku daray.

Sheekh C/qaadir Maxamed Axmed oo isna hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isku yeero culumada gudaha, si loo abuuro isku xirnaantooda gudaha iyo dibadda, iyadoo loo isticmaalayo aaladaha bulshada iskula xiriirto ee Internet-ka, wuxuuna xusay in culumada gudaha iyo dibada ay si wadajir ah uga qayb-qaataan in wacyi gelinta dhallinyarada.

Sidoo kale, Sheekh Ibraahim Maxamed Weydow oo isaguna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida loo wacyigelin karo ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyaradal looguna baraarujin lahaa fahmka toosan ee Islaamka.

Waxaa isaguna hadlay Sheekh Salaad Cantoob Xasan oo yiri: "Qof muslim ah in la daadiyo dhiigiisa ma banaana illaa saddex shay mooyaane, in qofka uu qof kae dilo, in qof guursaday oo sineystay oo dhagax lagu dilo iyo in qof diinta ka baxay uu noqdo, saddexdasa waxaan ahayn qofka muslimka ah dhiiggiisa laguma daadin karo."

Ugu dambeyn, intii ay dooddu socotay ayaa waxaa jiray fikrado iyo talooyin ay is dhaafsanayeen dhallinyarada iyo culumada, waxayna Ururka SYP uga mahadceliyeen dood-cilmiyeedkan looga hadlay wacyigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya