4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Jen. Cadde Muuse Xirsi oo iska fogeeyay eedeyn u soo jeediyay C/raxmaan Faroole kana digay burbur ku yimaada Puntland


Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa iska fogeeyay eedeyn ku saabsan inuu mas’uul ka ahaa dagaallo ka dhacay Qardho, isagoo ku tilmaamay eedeyntaas mid aanay waxba ka jirin.

Jen. Cadde ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu doonayo in isaga ra’yigiisa maahane aanay wax ka socon Puntland, eedeyntanna waa mid been ah oo uu sameeyay, waayo ma jiraan ciidammo igu eedeeyay inaan ka mas’uul ahaa dagaalkaas.

“Anigu waxaan ahay nin nabadeed oo u jooga halkan sidii uu Puntland mar kale u badbaadin lahaa, eedeynta la ii soo jeediyayna waa mid aan jirin oo la been abuuray, anigu ciidamo ma haysto mana ihi nin dagaal, balse waxaan ahay nin nabadeed,” ayuu yiri Jen. Cadde Muuse oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan magaalada Qardho.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ku socoto bur-bur haddii aan wax laga qaban xaaladaha hadda ka jira, isagoo sheegay in la arki doono Puntland oo degmo-degmo iyo tuulo-tuulo u qaybsantay.

“Markii aan ka imaanayay Kanada waxaan u imid sidii Puntland aan uga bad-baadin lahaa dhibaato xilligaas ka jirtay, waana ka badbaadinnay, haddana waxaa la joogaa xilligii oo kale, waxaana loo baahan yahay in Puntland laga badbaadiyo xaaladda jaha-wareerka ah ee hadda ku jirto,” ayuu Jen. Cadde hadalkiisa ku daray.

Jen. Cadde Muuse ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in xiligii uu ka shaqeynayay badbaadinta Puntland uu isagu ahaa dadkii kasoo horjeeday in Puntland la xalliyo oo nabad lagu soo dabbaalo, haddana uu waddadaas ku taagan yahay.

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu sheegay in go’aanka uu ku gaaray Faroole inuu xiriirka ugu jarayo dowladda Soomaaliya ay tahay mid isaga u gaar ah, balse shicibka Puntland ay doonayaan inay dowladda federaalka ah ka mid ahaadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya