4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Afhayeenka AMISOM oo Sheegay in ay ka Shaqeyayaan sidii aysan Qaraxyo kale uga dhici lahayn Magaalada Muqdisho


Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii aanay Muqdisho mar kale uga dhici lahayn qaraxyo lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

Col. Xumad ayaa sheegay inay horay u ballanqaadeen xoojinta amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo hay’adaha samafalka ah ee kaalmeynaya dadka Soomaaliyeed aan loola beegsan lahayn qaraxyo lagu dhibaateynayo.

“AMISOM waxay horay u ballanqaaday adkeynta ammaanka Muqdisho, taasna waa hadafkeenna koowaad, waxaana ku celinayaa inaan ka shaqeyn doonno sugidda ammaanka hay’adaha samafalka ah,” ayuu yiri Col. Xumad oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in qorshahooda ku aaddan sugidda ammaanka hay’adaha samafalka ay tahay sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Waxba ka hagran mayno sugidda ammaanka hay’adaha samafalka, horayna waan u sheegay, waayo waxaan doonaynaa in dadka Soomaaliyeed ay si nabad ah ku helaan gargaarka caalamku ugu talogalay,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Inta badan waddooyinka soo gala dhismayaasha ay Muqdisho ka deggen yihiin hay’adaha samafalka ayaa la xiray, taasoo lagu macneeyay sidii looga hortegi lahaa weerarro ismiidaamin ah oo ay Al-shabaab ku qaaddo xarumaha hay’adaha samafalka.

Sidoo kale, waxaa la xiray waddooyoinka magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sababa keenay in la xiro, waxaana saaka loo diidayay waddooyinka waaweyn sida isgoyska KM-4 in gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynuhu ay maraan.

Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa kusoo beegmaya iyado labadii bilood ee lasoo dhaafay lala beegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro toos ah xarumo ay Muqdisho ka deggen yihiin Qaramada Midoobay iyo Turkiga oo u jooga Soomaaliya caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Weerarradan ayaa waxaa dhammaantood sheegtay Al-shabaab oo xustay inay kaga jawaabayso qorshayaal ay ku sheegeen kuwo gurracan oo lala damacsan yahay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya