4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u dhoofay dalka Uganda oo uu shir uga qaybgalayo

Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka madaxweynayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka ka furmi doona dalka Uganda, kaasoo uu martigeliyay madaxweeynaha dalkaaasi Yuweri Musevina, waxaana la filayaa in shirkaasi diirada lagu saaro sidii loo loo qalabeyn lahaa ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya iyo sidoo kale sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng. Yariisoow oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu maanta magaalada Kampala ka soconayo shir ay leeyihiin wasiirada arimaha dibadda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay uga qeybgashay wasiiradda arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Mas'uulkan ayaa intaa ku daray in maalinta berito ah uu furmi doono shirka madaxweeynayaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoona sheegay in madaxweeynaha dalka uu shirkaasi ka qeybgali doono islamarkaana uu ka hadli doono arimo muhiim ah oo ka mid yihin sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si ay ula wareegaan buu yiri ammaanka guud ee dalka.

Shirkan oo ay goobjoog ka noqon doonaan wadamada deeq bixiyaasha caalamka, ayaa waxyaalaha ugu muhiimsan ee diirada lagu saari doono ay tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya, iyo sidii ciidamadaasi looga gacan siin lahaa adeegyada muhiimka ah ee ay u baahanyihiin, iyo weliba sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan madaxweynayaasha dalalka Afrika ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Onlin
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya