6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Afhayeenka AMISOM oo beeniyay in Askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu kufsi u geystay Haweeney Soomaaliyeed


Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa ka hadlay maanta kufsi loo geystay haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay Muqdisho ku kufsaday askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sugan saldhig ay ku leeyihiin Maslax oo ku taalla waqooyi Muqdisho.

Col. Xumad ayaa sheegay in eedeyntaas ay tahay mid masabid ah oo aanay waxba ka jirin, isgaoo xusay in haweeneydaas lagu kufsaday meel ka baxsan saldhigga AMISOM, askarta AMISOM marka dalka la keenayana lasoo baro xuquuqda ay ku leeyihiin shacabka ay u adeegayaan oo ay ku jiraan waxyaabaha ay neceb yihiin iyo kuwa ay jecel yihiin.

“Kufsiga la sheegay inuu geystay askariga ka tirsan ciidamada AMISOM waa mid masabid ah oo la doonayo in lagu ceebeeyo askarteenna,” ayuu yiri Col. Xumad isagoo hadalkiisa ku daray in haweeneydaas meel aan ahayn saldhigga AMISOM lagu kufsaday ayna lana ogaan doono.

Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in haweeney Soomaaliyeed oo marwo ah ay xerada Maslaxa ee duleedka Muqdisho ku kufsadeen gabar Soomaaliyeed, taasoo ay si adag u cambaareysay dowladda Soomaaliya, una saartay guddi soo baara.

“Gabadha la kufsaday baa la sheegayaa, maxaa keenay in gabar qura laga soo xusho 300 illaa 500 oo haween Soomaaliyeed ah oo maalin walba lagu daweeeyo isbitaallada ay AMISOM ku leedahay dalka? maxaa haweenkaas oo dhan loo kufsan waayay?” ayuu isweydiiyay afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Xumad.

Afhayeenku wuxuu xusay inay socdaan baaritaanno ay wadaan guddiyo loo saaray inay soo baaraan howshaas, wuxuuse ku adkeystay in ciidamadooda aysan lug ku lahayn kufsiga loo geystay haweeneyda Soomaaliyeed.

Guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan booqday gabadha sheegtay inay kufsadeen ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay inay xaalad aad u daran kala soo kulmeen, sidoo kalena ay ka muuqata gabadha niyad-jab aad u xooggan.

Inkastoo aysan jirin warbixin cad oo kasoo baxday baaritaannada ay arrintan ku hayaan guddiyo ay saareen ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa haddana waxaa hadalka afhayeenka uu u muuqdaa mid uu eedeyntaas uga bari-yeelayo ciidamadooda.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM wuxuu hadlay ammaanka Muqdisho isagoo sheegay in xalaadda ammaan ay tahay mid wanaagsan, inkastoo ay dhawaan dhacday buu yiri fal lagu weeraray siyaasad u dhalatay dalka Sweden oo lagu dhaawacay, isagoo xusay in falkaas loo qabtay dhowr qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/24/2013 10:09 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa in ka badan toban qof oo eedeysanayaal ahaa ku ridday maanta xukunno isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo dil toogasho ah, iyadoo la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

8/24/2013 8:19 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Nin Baastoolad ku hubaysan, ayaa xalay xaafadda Siinaay ee Koonfurta magaaladda Hargeysa ku toogtay nin magaciisa la yidhaaa Maxamed Sheekh Axmed Cabdilaahi kaas oo maydkiisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

8/24/2013 8:11 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa xarumaha jaamacadda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka furmay taariikhdu markay ahayd 22-kii bishan, 2013 imtixaanka ogolaanshaha ama (qabuulka) ee laga qaadayo ardayda kusoo biiraysa sanad wax-barashadeedka 2013/2014 ee jaamacadda Muqdisho.

8/24/2013 7:58 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa shalay oo Jimco ahayd gudaha magaalada Kismaayo lagu aasay meydka AUN Sheekh Cali Axmed Ashkir oo 18-kii bishan ku geeriyooday magaalada Ohio ee gobolka Columbus ee dalka Mareykanka.

8/24/2013 7:44 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa xalay fashiliyey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo la dhigey meel u dhow guriga wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed.

8/24/2013 7:41 AM EST
Waxaa magaala Kismaayo laga hirgeliyay shirkad cusub oo lagu magacaabo Kismayo Water Supply Taasoo biyo nadiif ah gelin doonta guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

8/24/2013 4:55 AM EST
Sabti, August 24, 2013(HOL)—Waxaagoordhawayd soo gaaraymagaalada Boorama ee XaruntaGobolka Awdal Wafti balaadhan oo ka socda Golaha guurtida Somaliland kaasoo ka kooban 15 Xubnood oo saaka arootii hore ka soo kicitimay magaalada Hargeysa waxayna degeen Hotel Haldoor eeMagaalada Boorama.

8/24/2013 2:45 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Olombikada ee degmada Dharkeynley, Amiin Cali Muumin.

8/24/2013 2:18 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Raga Soomaaliyeed ee qurba ka yimid ayaa lacag badan ku kharash garaynaya meherka iyo kharashaadka kale ee arooska iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda amaanka ee Muqidsho si ay u guursadaan.