4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay gudiga Akadamiga Daryeelka Af Soomaaliga (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Hargeysa.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md;C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ah ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda.

Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga  Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka  C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey.

Waxa magaaladda Hargeysa xalay lagu soo gabogabeeyey carwadii Buugaagta ee Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen aqoonyahan soomaali iyo ajanabi iskug jirta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo bandhigayey khudbaddo iyo buugaag ay qoraan.

Dhalinyaradda magaaladda Hargeysa ayaa mudadii lixda cisho ahayd ee carwaddu socotay si weyn uga soo qaybgalay, kuwaas oo dhagaysanayey khudbadihii kala duwanaa ee aqoonyahanadu ku soo bandhigeen carwadda.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsi-yadaynaaya geerida ku timid SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Degmadda Oog ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland, Hubka dhigistii ciidamada iyo wada noolaashaha beelaha Somaliland.

Silaayo ayaa tilmaamay in marxuumku yahay tiir ka mid ah tiirarka madax-dhaqamka oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha Wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diraya wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancade oo uu marxuumku la socday, waxaanay isaga iyo weftigii la socday ee ka badbaaday Daadkaasi guure xalay ku tageen magaaladda Burco, isagoo saakana u dhaafay deegaankii dagaalku ka dhacay ee Oog.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland