4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Kulan looga hadlayo Sharciga Maalgashiga Ajaanibta ee dalka oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Kulan laba maalmood soconaya oo looga hadlayo sharciga maal-gashiga Soomaaliya ee shirkadaha shisheeye ayaa ka furmay maanta xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya ganacsatada Soomaaliyeed, culummo, ardayda iyo maamulka jaamacadaha Muqdisho qaarkood, ururrada bulshada rayidka ah iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, C/kariin Maxamuud Gabeyre oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid looga doodi doono sidii lagu heli lahaa sharci maalgashi oo dalka lagu sameysto. Maadaama horumarka ganacsiga dalka uu ku xiran yahay hadba sida loo maal gashto.

Labada maalmood ee kulankan uu socdo waxaa warbixinno ku saabsan sida sharci maalgashi dibadbadeed oo dhameystiran lagu heli lahaa ka jeedin doona laba khabiir oo dhinaca sharciga ah oo ka socda dalalka Uganda iyo Kenya iyo macallimiin Soomaaliyeed.

“Ujeedada kulankan aan ka leennahay waa inuu kasoo baxo dukumiinti kaalmeeya sharciga maalgashiga ajaabinta ee dalka, kaasoo horay loogu gudbiyay baarlamaanka dalka,” ayuu yiri agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoorre.

Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in aragtiyaha laga dhiibto kulankan loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u kaabto sharcigan oo la filayo in golaha baarlamaanka uu ansixiyo.

Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta rugta ganacsiga waxay ka codsadeen aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool oo arrimahan ku xeel-dheer inay aragiyadooda kusoo biiriyaan kulankan labada maalmood soconaya si ay u kaabaan sharciga maal-gashiga ganacsatada shisheeyaha ah.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya