4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Dagaal Ciidammo kawada Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Shabeelada Hoose iyo Askari lagu dilay Jowhar

Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda ku dhex maray gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Lambar Lixdan oo dhawaan uu sidan oo kale ka dhacay dagaal  dhex maray ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose, ayaa war-baahinta u sheegay in dagaalkaasi uu  dhex maray  ciidammo kusii jeeday Muqdisho iyo kuwo uu koontool u yaallay barta lagu dagaalamay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay xilligan tahay mid deggen ciidamadii u socday Muqdishana ay halkaas ka gudbeen, iyagoo intaas raaciyey in goobtii ay dirirtu ka dhacday ay iminka ku sugan yihiin ciidamadii ay horay fariisinka ugu ahayd.

Dhinaca kale, askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xalay lagu dilay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo aan ilaa iyo hadda lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo ciddii dilkan geysatey.

Xaaladda ammaan ee degmada Jowhar ayaa hadda ah mid wanaagsan. Jowhar waxaa shalay gaaray wefdi ka socda Qaramada Midoobey oo kulammo la qaatay maamulka iyo waxgaradka degmada.

Deegaanka Lambar Lixdan oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa dhowr mar oo hore ka dhacay dagaallo soo laalaabtay oo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya