4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Markab Sida Deeq Raashin ah oo ka Timid Turkiga oo ku soo Xirtay Dekedda Kismaayo

Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo kusoo xirtay markab sida raashin gargaar ah oo ka yimid dalka Turkiga, kaasoo loogu talogalay in loo qeybiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.

Raashinka deeqda ah ee uu markabkani sido ayaa isugu jira: Bur, Bariis, Saliid iyo cuntooyin kale, waxaana la filayaa in raashiinkani la gudoonsiiyo dadka ku dhibaateeysan gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Raashiinkan oo gaaraya 20-kun oo kiish, ayaa waxa ku deeqday hay'adda Bisha Cas ee Turkiga sida uu warbaahinta u xaqiijiyay masuul ka tirsan hay'adaasi oo lagu magacaabo Axmed Warsame.

Raashinka ayaa waxaa lagu wareejiyay masuuliyiinta maamulka Jubbaland si ay u gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan gudaha magaalada Kismaayo.

Dowladda Turkiga ayaa  dalka Soomaaliya ka wadda hawlo ballaaran oo isugu jira dhinacyada bini aadamnimada, waxbarashada, horumarka iyadoona ay xusid mudantahay in dowladda Turkigu ay kaalin muuqata ka qaadatay abaarihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo, Soomaaliya.