3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Kulan Looga Hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo Maanta ka Furmay Magaalada Gaalkacayo [SAWIRRO]


Talaado, August 20, 2013 (HOL) —Kulankan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ah mid looga wada tashanayo ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka New Deal (Hiigsiga Cusub) kaasoo bisha soo socota ee September ka dhici doona caasimadda Biljamka ee Brussels. Kulanka waxaa si wada jir ah u furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim iyo madaxweynaha maamul goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Waxaa sidoo kale shirka kasoo qayb galay dhammaan ururada bulshada rayidka ah iyo dadweyne isugu jiray odayaal dhaqameed, dhallinyaro, haween iyo  ardayda jamaacadaha. Ka qayb galayaasha kulanka ayaa ka doodey doorka kaga aaddan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha September si ay ugu biiriyaan talooyin ayna u dhegeystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan wadday la tashiyo ku aaddan shirkaas si looga wada qayb qaato ajendaha ay Soomaaliya shirkaas la tegeyso.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa ka warbixiay argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha hiigsiga cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya.

“Shirka Brussels ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowaldda ee ku aaddan shirkaas oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka, waana qorshe soconaya muddo saddex sano ah, nidaamkan waa hab dhaqan cusub ah oo ka dhaqan galay waddamada kasoo kabanaya colaadaha sida dalka Soomaaliya oo kale. Waxaa laga hirgaliyay markii ugu horreysay toddoba dal, iyadoo iminka ay ka faa’iideysanayaan sagaal iyo toban dal oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo furitaankii kulankan ka hadlay.

Madaxweynaha Gal-mudug oo isna hadlay ayaa wuxuu sheegay inaysan suurogal ahayn in la hirgeliyo nidaamka hiigsiga cusub ( New Deal) haddii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Waxaa fure u ah hirgalinta New Deal xoojinta ammaanka iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in lagu baraarugsanaado had iyo jeer, waxayna mas’uuuliyadeedu saaran tahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo ammaanka, laguna taageero maamullada gobollada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta dadka wada-dagta gobollada dalka,” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Barnaamijka New Deal ayaa ah mid dhaqaale loogu raadiyo dalalka kasoo kabanaya colaadaha sokeeye, sanadkanna waxaa diiradda si weyn loogu saari doonaa Soomaaliya oo xilligan yeelatay dowlad rasmi ah caalamkuna uu aqonsan yahay.





 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/20/2013 1:48 PM EST
alaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo kusoo xirtay markab sida raashin gargaar ah oo ka yimid dalka Turkiga, kaasoo loogu talo galay in loo qeybiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.

8/20/2013 11:06 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha deeqaha bani’aadamnimo ee Somaaliya Philippe Lazzarini, ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay kula kulmeen maamulka iyo waxgaradka degmada.

8/20/2013 10:59 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka furmay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, Shir-weyne loogu magac daray (Shirweynaha dhaqanka iyo wada tashiga beesha Xawaadle ee Samadoon) kaasoo uu horay ugu baaqay Ugaaska guud ee beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, bilihii ugu dambeeyeyna ay qaban qaabadiisu socotey.

8/20/2013 8:16 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa sheegay in hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiiin, Maxamed Badiic la xiray maanta oo Salaaso ah, kaddib isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

8/20/2013 7:29 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Baakistaan ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah ugu eedeysay madaxweynihii hore ee dalkaas Berefeez Musharraf in uu ka dambeeyey dilkii Benaziir Bahuto.

8/20/2013 3:37 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa ka hadashay markii ugu horreysay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar, kuwaasoo ka dhashay muran dhinaca hoggaanka dalkaas ah.

8/20/2013 3:07 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka billaabayso Soomaaliya wajigii labaad ee howlaha samafalka ah ee ay ka waddo Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad uu soo gabagaboobey.