4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Madaxweynaha Itoobiya oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Darjiraha Somalia ee Itoobiya Axmed C/salaan (SAWIRRO)


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo, dajiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Kulan ka dhacay madaxtooyada Itoobiya ayaa madaxweynaha Itoobiya wuxuu soo dhaweeyay xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya u billowday isagoo xusay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu iskaashi dhinacyo badan la sameeyo Soomaaliya.

“Itoobiya waxay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Soomaaliya, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka guud, mar walbana waxaan diyaar u nahay inaan taageerno Soomaaliya,” ayuu hadal uu jeediyay ku yiri madaxweynaha Itoobiya,  Girma Wolde-Giorgis.

Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Axmed C/salaam oo isaguna hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dalkiisu uu uga mahadcelinayo dalka Itoobiya taageerada joogtada ah ee uu siiyo, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doonto sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iskaashi ee labda dal.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa xiriirka iyo iskaashiga labad dal, sidoo kale waxaan Itoobiya uga mahadcelinayaa gacanta ay ka geysatay Itoobiya arrimaha amniga Soomaaliya iyo sidii nabad lagu soo celin lahaa,” ayuu yiri danjire Axmed C/salaam.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in qoxootiga Soomaalida si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Itoobiya markii ay burburtay dowladdii dhexe 1991-kii, taasna ay aad ugu ammaanayaan madaxda Itoobiya iyo shacabkooda oo si walaalnimo ah u soo dhaweeyay buu yiri qoxootiga Soomaaliya.

Danjire Axmed C/salaam ayaa ka mid ahaa shan dajire oo golaha wasiiraddu ay ansixiyeen magacaabistooda 20-kii bishii Juun ee sannadkan, isagoo xilka kala wareegay danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur oo loo bedelay dalka Tanzania.

Safiirka ayaa dhanka kale kula klmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya wuxuu kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo dowladda ka taageeraya dagaallada ay Al-shabaab kula jirto, inkastoo degmooyin ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay ka baxeen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya