4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Qarax xooggan oo Kismaayo lagula eegtay baabuur uu watay mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Jubbada Hoose [SAWIRRO]



Jimco, August 16, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay gaadiid nooca raaxada oo uu watay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed oo kamid ah ugaaysada caanka ah ee gobolka J/hoose.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Guulwade gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaan Geeda qoroow, waxa uuna sababay dhimashada Ugaas C/qaadir iyo darawalkii gaariga u waday.

Waxaa gabi ahaanba burburay gaadiiidkii uu watay ugaaska, iyadoona cad cad ay go’goeen ugaaska iyo darawalkiisa.

Allaha u naxariistee Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed ayaa kamid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka J/hoose, wuxuuna kamid ahaa ergada shirkii maamulka u sameynta Jubooyinka ee lagu soo doortay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxayna goobta ku qabteen dad looga shakisanyahay in ay ku lug leeyihiin weerarka.

Ugaas Jaamac Xasan Ibraahim oo goobta uu qaraxa ka dhacay kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida uu qaraxa u dhacay, wuxuuna tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed.

Ugaas Jaamac ayaa sheegay in arintani ay tahay mid lagu bartilmaameedsanayo dadka waxgalka ah, isagoona sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in la ugaarsado ugaasyadii iyo salaadiintii Soomaaliyeed.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, haseyeeshee dhacdadan ayaa ah mid ku cusub gobollada Jubooyinka, waxayna noqoneysaa markii ugu horeeysay oo qarax lala eegto mid kamid ah ugaasyada gobolka J/hoose.

 



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.