4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Warbixin Hor-dhac ah oo laga soo saaray Shilkii Diyaaradeed ee Jimcihii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Guddigii loo xil-saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo kasoo dagaysay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa soo saaray warbixin hordhac ah.

Dayuuradda oo ahayd Ethiopian Air Force, waxaa nooceedu ahaa Antonov An-12, waxaa ku dhacay shil dabiici ah oo ku qabsaday garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, taariikhdu markay ahayd 09 August 2013 oo ku beegnayd Jimcihii lasoo dhaafay.

Guddigu waxay sheegeen in diyaaraddani - Aircraft Reg: 1513 ay ka timid Ethiopia, ayna ku socotay magaalada Muqdisho. Waxaa saarnaa lix qof oo shaqaale ahaa, ma jirin dad rakaab ah oo dayuuradda saarnaa.

“Dayuuraddu waxay isku dayday inay caga-dhigato garoonka, hase yeeshee waxaa dhacday inay ka baxday waddadii, ayna sii marar qar-qarka waddada dhinacaeeda ku yaalla, kaddibna uuu dab ka kacay dayuuraddii,” ayaa lagu yiri warbixinta ay guddigu soo saareen.

Sidoo kale, guddigu waxay sheegeen in si loo badbaadiyo diyaaradda si deg-deg ah loogu diray gaadiidka dab-damiska ah, waxaa la badbaadiyay laba qof oo shaqaalaha dayuuradda ka tirsanaa, kuwaasoo markiiba loo qaaday isbitaalka AMISOM.

Waxaa shilkan ku dhintay afar qof oo ahaa shaqaalihii dayuuradda, waxayna guddigani dhawaan soo bandhigi doonaan macluumaad dhameystiran oo la xariirta burburkan diyaaradeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya